X
    Categories: Warar

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Fariimo Hanjabaad Iyo Nabadeed U Kala Diray Maraykanka Iyo Koonfurta Kuuriya

Araweelo News Network

Kim Jong Un and Donald Trump

Pyongchang(ANN)- Hogaamiyaha Kuuriyada waqooyi Kim Jong Un, ayaa sheegay in dhamaan mareykanka uu ku jiro xiligan xayndaabka hubkiisa Nukliyeerka, isla markaana keebka laga rido Niyukleerka uu miiskiisa saaran yahay.

Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un, ayaa ku dooday  in hadalkiisa uu xaqiiqo yahay oo aanu ahayn hanjabaad, balse uu yahay mid xaqiiq ah.

Mr Kim Jong Un ayaa sheegay in iyada oo laga duulayo xaqiiqadaasi in Mareykanka aanu awoodin in ay bilaabaan dagaal ay la galaan Kuuriyada Waqooyi.

Balse waxa uu xusay in Nukliyeerka  ay isticmaali doonaan oo kali ah haddii ammaankooda khal khal la galiyo.

Kim Jong Un. Waxa uu sidaa ka sheegay mar uu Fariin Sanadka cusub ee 2018, uu ka jeedinayay telefashinka, waxa uu sidoo kale carabaka ku dhuftay hadal nabadeed ,wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay la galaan Kuuriyada Koonfureed.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in ergo uu u diri doono ciyaaraha Olambiga ee xagaaga lagu qaban doono Pyongchang -taasi oo hore ay Kuuriyada koonfureed u sheegtay in ay gacan ka gaysan karto dajinta xiisada gacanka Kuuriya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post