X
    Categories: Warar

Hoggaamiyaha Khaatumo Gallaydh Oo Sheegay In Aanay Doorashadda Soomaaliya Khusayn Somaliland, Puntland-na U Hanjabay

Araweelo News Network

Djibouti(ANN)- Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Gallaydh, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya ee la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aanu khusayn Somaliland. Sidoo kale wuxuu fariin u diray Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.
Cali Khaliif Gallaydh, wuxuu hadalkaa ka sheegay. Kaddib wadahadalo u dhexeeyay Somaliland iyo maamulka uu hoggaamiyo Khaatumo oo lagu soo gebagebeeyay Djibouti, wuxuuna sheegay in maamulka Puntland muddo dheer laabta ugu garaacayay isir iyo reernimo, balse aan dib loogu tumayn siidhi been been ah.
Hoggaamiyaha Khaatumo, wuxuu yidhi, “Annaga iyo Somaliland waa is laab xaadhanay, wax baddana Madaxweyne Siilaanyo wuu sheegay in uu doonayo inuu ka tago taariikh fiican, annaguna hadda waa garawsanay baaqyo baddan oo Madaxweyne Siilaanyo ka yimi, waxaanse u sheegayaa Puntland wax baddan baa laabta naloo garaacay reernimo iyo isku isirbaynu nahay, mar danbe Frinbi naloo tumi maayo, waar isu naalee, waxaa nabadeen waa ogtihiin” Ayuu yidhi Gallaydh.
“waxa kale oo aan dadka u sheegayaa, waar Doorashada Soomaaliya waxba nagama khuseeyaan Ninka la doortay ma khuseeyo Somaliland ee waxa loo doortay Soomaaliya” ayuu yidhi Gallaydh.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post