Madaxweynaha Isbedel doonka Iran Ee La Doortay Muxuu ka Beddeli karaa jihada Siyaasadda Dalka?

#Araweelo_News_Network

 

Tehran (ANN)-Masoud Pezeshkian ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Iran, isagoo ka adkaaday ninka ay is hayeen ee muxaafidka ah, Siciid Jalili, kaddib tartan addag oo wareegii labaad ay isugu soo baxeen.

Pezeshkian, ayaa ahaa Afarta murrashax ee wareegii hore ku tartamay qofka keliya ee isbedel doonka ahaa, waxaana la filayay in labada murrashax ee ku hadhay wareegii hore ay tageerayaashooda ku booriyaan in codka la siiyo Jalili maadaama labada xubnood ee kale aannay ahayn isbedel doon, balse markii laysugu soo baxay wareega labaad may dhicin, waxaana cod aqlabiyad ah ku guulaystay Masoud Pezeshkian oo wareegii koowaad hoggaaminayay doorashada Iran ee sida weyn indhaha loogu hayay.

 

Hoggaamiyayaasha dunida ayaa ku habnalyeeyay guusha Madaxweynaha la doortay ee Iran ee doorashada loogu dhawaaqay Pezeshkian, oo 70 jir ah, isagoo helay  sida masuulyiinta doorashada maamulayay sheegeen 53.3%, taas oo noqonay in ka badan 30 milyan oo cod oo la tiriyay wareeggii labaad ee doorashada madaxtinimada. halka ninka la tartamayay ee Said Jalili uu helay helay 44.3%. codadka la bixiyay oo ka batay kuwii wareegii hore la bixiyay.

Doorashada ayaa wareeg labaad la geliyay kaddib markii murrashaxiinta oo Afar ahaa midkoodna aanu ku guuleysan aqlabiyadda codbixintii ugu horraysay ee dhacday 28 June 2024, taasoo ay usoo baxeen 40% codbixiyayaal,  iyadoo tiro ka baddan 62 milyan la filayay innay xaq u leeyihiin innay codka bixiyaan, waana codkii ugu hooseeyay tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah 1979.

Doorashadan ayaa ahayd mid ay sababtay kaddib markii madaxweynihii hore ee dalka Iran Ibrahim Raisi uu ku geeriyoody shil dayaaradeed May 2024, sil diyaaradeed Buuralayda waqooyiga dalka, iyadoo sidoo kale ay ku dhinteen 7 qof masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirkii arrimaha Dibbada.

Pezeshkian ayaa u mahadceliyay taageerayaashiisa, wuxuuna ka codsaday dhammaan dadka reer Iran inay ku taageeraan shaqada adag ee hortaalla.

“Doorashada way dhamaatay tanina waa bilawgii isbahaysigeena,” ayuu ku soo qoray bartiisa X (Twitter-kii hore).

“Waddada adag ee ina hortaalla ma fududaan doonto adinka la’aantiin, garawshiyahiinna iyo aaminaadda, gacanta ayaan idiin fidinayaa, waxaana ku dhaaranayaa in aanan cidna idinka tagin” ayuu sii raaciyay.

Pezeshkian, ayaa ah dhakhtar qaliinka wadnaha ah, xubinna ka ah baarlamaanka, wuxuu dhaleeceeyay booliska Iran oo dhaliyay murran, wuxuuna wacad ku maray inuu raadinayo soo afjarida “go’doominta” Iran ee adduunka.

Madaxweynaha la doortay ayaa ku baaqay “wada xaajood wax ku ool ah” oo lala yeesho quwadaha reer galbeedka si loo cusboonaysiiyo heshiiskii nukliyeerka ee 2015, kaas oo Iran ay ogolaatay in ay xakamayso barnaamijkeeda nukliyeerka si ay uga badbaadiso cunaqabataynta reer galbeedka.

 Ha ahaatee, Pezeshkian looma tixgelin karo inuu yahay nin doonaya qas; Taas beddelkeeda, intii uu ku jiray shaqadiisa waxa uu si cad u sheegay in uu ku xidhan yahay hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka, Ayatullah Ali Khamenei, iyo go’aannadiisa, taas oo aannu Pezeshkian waxba ka beddeli karin qorshaha siyaasadda Iran ee ku waajahan aduunka, gaar ahaan reer galbeedka, balse wuxuu la iman karaa dublamaasiyad, iyadoo aannay immanayn in Iran isu dhiibto reer galbeedka, ama ka tanaasusho xaqeeda, wuxuuna mar walba u baahan yahay taageerada  hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka, Ayatullah Ali Khamenei,oo aannay u soconayn wax kasta oo siyaasiyan aanu raali ka ahayn.

“Anigu waxaan ahay qof mabda’ leh (qof ku xidhan fikradaha sii adkaynaya Jamhuuriyadda Islaamiga ah) waxayna ka timid mabaadi’da aan raadinayno dib u habayn,” ayuu ku dhawaaqay intii lagu jiray ololaha doorashada.

in kasta oo Pezeshkian aannu ahayn siyaasi saaxada ku cusub, isagoo xubin baarlamaan ka ahaa shan xilli  sidoo kale, Mudadii uu ku jiray baarlamaanka waxa uu dhaliyay muran, isaga oo u ololaynaya in daroogada aan dambi laga dhigin.

“Illaa ay dowladdu noqoto tan keenta daroogada, ma awoodno inaan joojino,” ayuu yidhi. sidoo kale markii uu ahaa Wasiirka Caafimaadka 2001 ilaa 2005 xilligii dowladdii labaad ee Maxamed Khatami (1997-2005), oo loo arko madaxweynihii ugu horreeyay ee isbedel doonka ah ee dalkaas.

Khatami ayaa taageeray musharaxnimada wasiirkiisii hore, si la mid ah Mehdi Karrubi, wadaadkii mucaaradka ahaa ee isku dayay inuu madaxweyne ka noqdo doorashadii lagu murmay ee Iran 2009, tan iyo markaas wuxuu ku jiray xabsi guri, sida ay ku warrantay laanta Persian ee BBC.

Pezeshkian waxa uu hore isugu dayey in uu noqdo madaxa dawladda sannadaha 2013 iyo 2021. Markii ugu horraysay waxa uu ka tanaasulay in uu taageero musharrax kale, markii labaadna waxa diiday golaha wakiillada oo ka kooban 12 culimo iyo sharci-yaqaanno ah.

Taageerada uu u fidiyay mudaaharaadyadii ka dhashay natiijadii doorashadii lagu murmay ee 2009 ayaa sabab u ahayd xabsi guriga.

Waxa la filayaa inuu hoos u dhigo xiisaddaha ka dhexeeya reer galbeedka iyo in Iran ay dib ugu soo noqoto fagaarayaasha caalamiga ah, balse madaxweynaha la doortay waxaa uu u ballan qaaday dadka dalkiisa inuu raadin doono “isbeddel qaabdhismeedka” oo u oggolaanaya dalka inuu gaadho horumar caddaalad ah oo dheellitiran.

Ninka la tartamaya, Said jalili, wuxuu taageersan yahay in la joogteeyo xaaladda hadda taagan, wuxuuna u arkaa soo jeedinta madaxweynaha cusub inay qayb ka tahay “qaab-dhismeed fashilmay”.

Wuxuu ka mid ahaa kooxda wada xaajoodka Nukliyeerka ee Iran, waxaana uu taageero weyn ka dhex helaa culimada dalkaasi Said jalili.

Sidoo kale, Jalili ayaa caan ku ah mawqifkiisa mayalka adag ee reer galbeedka iyo sida uu uga soo horjeedo soo celinta heshiiskii Nukliyeerka, kaas oo uu sheegay in uu ka soo gudbay “khadadka cas” ee Iran.

Codadka ayaa muujiyay in dad ka badan ay codeeyeen Jimcihii marka loo eego wareegii koowaad ee todobaadkii hore, iyadoo tirada dadka usoo baxday ay ahayd tii ugu hoosaysay tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979.

Sida laga soo xigtay hay’adaha doorashada, dadka u soo baxay doorashada ayaa gaaray 49%, taasoo sagaal dhibcood ka sarreeysa maalintii doorashada ee hore.

Qaar ka mid ah dadkii ka aamusay wareegii koowaad ayaa lagu qanciyay innay u codeeyaan Pezeshkian wareega labaad si looga hortago in Jalili uu noqdo madaxweyne.

arrinta ayaa sabab looga cabsi laga qabay in guusha Jaliili, Iran u keenay iska horimaad hor leh oo ay la gasho reer galbeedka, taas oo keeni doonta kaliya cunaqabatayn cusub iyo go’doomin dheeraad ah oo aannay Iran xilligan u baahnayn, iyadoo aan ka tanaasulayn rabitaankeeda.

Si ay xaq ugu yeeshaan in ay isu soo sharaxaan, labada musharraxba waxa ay ku qasbanaadeen in ay soo maraan hannaan turxaan bixin ah oo uu hoggaaminayo Golaha Ilaalada oo kala xulla tartamayaasha doonaya innay ka qayb galaan doorashada Madaxweynaha. sidaa awgeed waxaa tartanka laga saaray 74 musharax oo kale oo ay ku jiraan dhowr haween ah.

Gollahan ayaa waxaa dhaleeceeyay hay’adaha xuquuqul insaanka oo ku eeddeeyay in ay meesha ka saareen musharixiinta aan daacadda u ahayn dawladda. laakiin taas waxa waxba kama jiraan ka dhiga nidaamka dalka ee suurta gelinaya in aannay doorashadu noqon mid dalka u gacan gelisa cid dan iyo ujeeddo gaar ah leh, ama ay addeegsadaan cadawga Iran iyo kuwa doonaya innay leexiyaan jidka Kacaanka Islaamiga ah u jeexay dalka mudada dheer iyo mustaqbalka.

Tusaale ahaan kacdoon shacab ah, oo  ahaa mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo dawladda oo gilgilay dalka 2022 iyo 2023, kuwaas oo guddaha Iran looga arkayay innay dabada ka wadeen dalal shisheeye, waxaana hoggaaminayay dhalinyaro badan iyo kuwa dabaqadda dhexe ah oo Iraniyiin ah kuwaas oo ku doodayay innay aamin darro ka qaadeen nidaamka jira, waxayna hore u diideen inay codeeyaan, laakiin Iran waxay xakamaysay isku dayada noocaa ah ee la doonayay in nidaamka dalka lagu maja xaabiyo.

Baraha bulshada ee Iran, hashtag-ka Persian-ka ee “khaa’inul kuwa sheegta waddaniyiinta tirada yar” balse loo arko innay u addeegayaan cadawga Iran ayaa aad u faafay, iyadoo kooxaha qaar ay ku booriyeen muwaadiniinta in aanany u codayn labada murashax.

Laakin Ayatollah Ali Khamenei ayaa diiday soo jeedinta ah in tirada yar ee codbixinta ay ka dhigan tahay diidmada hannaankii soo jiray tan iyo 1979, isagoo yidhi, “Waxaa jira sababo (ka danbaysa tirada yar ee codbixinta) iyo siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada ayaa baadhi doona, laakiin haddii qof u malaynayo in kuwa aan codaynin ay ka soo horjeedaan nidaamka, gabi ahaanba waa khaldan yihiin,” ayuu yidhi, taas oo uu sheegay in aannay ku cusbayn dunida in dadka xaqa u leh doorashada tira ka yar ay usoo baxaan.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com