X
    Categories: Warar

Hoggaamiyaha Cusub Ee Daalibaan Oo Soo Saaray Bayaan

Araweelo News Network

Afghanistan(ANN)Hoggaanka guud ee xarakada islaamiga Taliban ayaa soo saaray bayaan muslimiinta loogu tahniyadaynayo munaasabadda Ciidul Fidriga.

Amiirka cusub ee Imaarada Islaamiga ah ee Dhaalibaan Mowlawi Hibatullah, wuxuu Bayaankiisa oo ku socoda guud ahaan Muslimiinta, Mujaahidiinta, Muhaajiriinta iyo si gaar ah shacabka dulmi diidka ah ee reer Afqaanistaan ugu cadeeyay mawqifkooda iyo dagaalka ay ku jiraan.

Bayaanka oo ku qornaa Luuqadaha Urdu iyo Carabiga ayaa waxa uu hogaamiyha Imaarada ku cadeeyay mawaaqif kala duwan oo ku lug leh jihaadka Tobanaanka sano ee xidhiidhka ah kasocoda dalka Afqaanistaan islamarkaana lagula jiro Shisheeyaha noocyada kala duwan oo uu sheeegay inay yihiin kuwo ku duulay dalkaas.

Ugu horeyn waxa uu ka hadlay Amiirku qayb kamid ah taariikhdii hogaamiyihii isaga ka horeeyey ee shahiiday Akhtar Mansuur, waxaana uu sheegay inuu ahaa Nafhure howlo badan u qabtay diinta Islaamka iyo Umadda Muslimiinta, waxaana uu ballan qaaday inuu ku socon doono dhabbihii uu ku shahiiday amiirkaas ee ahaa la dagaalanka Shisheeyaha kala duwan ee dalka Afqaanistaan ku sugan.

Wuxuu sheegay Sheekhu in istish-haadka Akhtar Mansuur oo ahaa Hoggaamiyihii uu dhalay Mulah Cumar oo dhowaan la dilay ay ku dhiira gelineyso guud ahaan Mujaahidiinta iyo afraada Umadda Islaamka inay sameeyaan wax waliba oo awoodooda ah sidii diinta Islaamka loo sara yeeli lahaa, islamarkaana ay u noqon lahayd mid sareysa oo Aduunka maamusha.

Hibatu-llaah ayaa sheegay in aragtidii ay ku bilaabeen Jihaadka ee hadafkeedu ahaa in la dhaqan geliyo Shareecada Islaamka, taasoo uu sheegay in ay wali nooshahay, islamarkaana ay shaqeyneyso, wuxuuna ku adkaysatay in ay tahay hadafka Imaarada Islaamiga ah aanay waligeed ka tanaazuli doonin Inshaa’Allaah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post