X
    Categories: Warar

Hoggaaiyaha Maamul goboleedka Somalia Ee Puntland Oo Ku Baaqay In Ciidamada AMISOM Laga Saaro Somalia

Araweelo News Network

Washington(ANN)Hoggaamiyaha maamul goboleedka Somalia ee Puntland ayaa ku baaqay in ciidamada shisheeye ee ku sugan Somalia laga saaro, isagoo sabab uga dhigay in aanay waxba soo kordhin joogitaakoodu.

Mr. Cabdi Wali Gaas, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu boqolaal qof oo Soomaalida ku dhaqan Maraykanka kula hadlayay munaasabad ka dhacday dalka Mareykanka oo booqasho uu ku joogo, wuxuuna xusay in joogitaanka ciidamada AMISOM aanay wax dan a ugu jirin shacabka soomaaliyeed. Sidaa awgeed, wuxuu ugu baaqay maamullada Soomaalida sida Dawlada Federaalka ah in ay ku dadaalaan sidii ay Ciidamada AMISOM dalka uga saari lahaayeen.

Madaxeynaha Maamul goboleedka Somalia ee Puntland Cabdi Wali Gaas, wuxuu carrabka ku adkeeyay in mushaarka ay qaataan ciidamada AMISOM uu Toban Jibaar kabadan yahay ka ay qaataan askarta iyo shaqaalaha dowladda Federaalka. Sidaa awgeed ay ka dhigan yihiin ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo danahooda ujooga Soomaaliya.

Puntland ayaa kamid ah maamullada laga sameeyay Somalia ee sida weyn ugasoo horjeeda dawlada Federaaka oo marar badan ay sheegeen in aanay aqoonsanayn.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post