Araweelo News Network

Madaxweynaha Dalka Gambia Yahya Abdul-Azia Jemus Junkung Jammeh (Bixid)   iyo Madaxweynaha dalka Algeria Mr. Cabdilcasis Bouteflika (Midig)

Madaxweynaha Dalka Gambia Yahya Abdul-Azia Jemus Junkung Jammeh (Bixid) iyo Madaxweynaha dalka Algeria Mr. Cabdilcasis Bouteflika (Midig)

Banjul(ANN)-War rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada dalka Ghambia ayaa lagu sheegay in ku shubasho iyo wax isdabamarin ay hadhaysay doorashooyinkii madaxtinimo ee todobaadkii lasoo dhaafay wadanka ka dhacay.

Yaxye Jaamic madaxweynaha waqtigiisu dhammmaaday ee wadanka Ghambia ayaa ku dhawaaqay in uu diiday natiijada uu hore u aqblay ee kasoo baxday doorashada, isagoo diidmadaa sabab uag dhigay, wuxuu ku sifeeyay mid lagu shubtay oo xaaraan ah.

Khudbad uu Madaxweyne Jaamic ka jeediyay talefeshinka Rasmiga ah ee xukuumadda ayuu ku sheegay in baadhitaan dheer kadib uu ogaaday in doorashada lagu shubtay wuxuuna markale shacabka wadankaasi ugu baaqay in ay ka qeyb galaan doorashooyin cadaalad ah sida uu hadalka u dhigay.

“Kadib Markii aan si qota dheer u baadhnay doorashooyinkii dhacay waxaan ogaanay in ku shubasho iyo wax isdamarin ballaadhan la sameeyay sidaas daraadeed waxaan ku baaqayaa in doorasho cusub oo cadaalad ah laqabto”ayuu yidhi Madaxweynaha Ghambia.

Aadam Baroow oo ah musharaxii la tartamayay Jaamic ayaa wax lalayaabo ku tilmaamay warka kasoo baxay madaxtooyada wuxuuna taageerayaashiisa ugu baaqay in ay waddooyinka isugusoo baxaan.

Mr Jammeh oo awoodda dalkaasi 1994 kula wareegay afgambi, ayaa waxaa ka adkaaday Adama Barrow, kaasi oo ku guulaystay in ka badan boqolkiiba 43.

Mr Barrow ayaa ku eedeeyay madaxweynaha talada haya inuu dimuqraadiyadda ku waxyeelaynayo diidmadiisa inuu aqbalo natiijada doorashada. Kooxdiisa ka shaqeynaysay la wareegidda xilka ayaa sheegay in madaxweynaha la doortay uu badqabo.

Natiijooyinka ayaa 5-tii Diseembar waxaa dib u eegis ku sameeyay guddiga doorashada ee dalka, markaa oo ay soo baxeen in sanaadiiqda codbixinta ee hal deegaan si khalad ah loogu daray codka Mr Barrow.

Khaladka oo sidoo kale codad ugu daray musharaxiinta kale, “ayaanan wax ka badelin natiijada guud”, waxaa sidaasi sheegay guddiga doorashooyinka.

Si kasataba ha ahaatee, taasi waxa ay boqolkiiba 9 ka soo yareysay guushii Mr Barrow oo ay ka dhigtay boqolkiiba 4.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Senegal oo daris la ah Ghambia ayaa isna Q.Midoobe ugu baaqay in shir degdeg ah ka qabato arrinta wadanka Ghambia isagoo ka digay in la dhibaateeyo kumanaan kamid ah muwaadiniinta Senegal oo Ghambia ku sugan.

Musharaxa sheeganaya inuu doorashooyinka ku guuleystay ee Aadan Baroow ayaa taageera buuxda ka heysta wadamada reergalbeedka gaar ahaan Ingiriiska iyo Mareykanka, wuxuu waardiye ka ahaan jiray shirkad kutaal wadanka Britain balse sanaddii 2006 ayuu dib ugu laabtay Ghambia wuxuuna aas-aasay shirkad ka ganacsata guryaha.

Ghambia oo ah wadanka ugu yar qaaradda Afrika marka la reebo wadanka Djibouti dhaqaalihiisu wuxuu ku tiirsanyahay dalxiiska waxaana wadanka lagu magacaabaa “Xeebaha galbeedka Afrika ee dhoolla caddeynaya”.