X

Hindiya Oo Muslimiinta Loo Diiday Fasax Maalinta Xuska Dlashada Nebiga Iyo Rabshado Ka Dhashay 

#Araweelo_News_Network

 

Rajasthan, Jahaipur (ANN)-Maamulka deegaanka Jahajpur ee Rajasthan oo ka mid ah gobollada dalka Hindiya ayaa diiday fasax kasta oo la xidhiidha munaasibada Ciid-e-Miladka ee  (dhalashada nabi Maxamed CSW), taas  oo ay sameeyeen bulshadda Muslimiinta Isniintii.

Saraakiisha maamulka deegaanka ayaa go’aankooda ku macneeyay mid dhinaca amniga la xidhiidha, iyadoo ay deegaanka ka jirto xiisad qowmiyadeed dhanka diinta a, taas oo  Sabtidii ka dhalatay deegaankaa oo lagu tilmaamo mid xasaasi ah.

Xiisadda Muslimiinta iyo Hinduuga ayaa ka qaraxday Jahazpur oo ka tirsan degmada Bhilwara ee Rajasthan oo ah gobol ku yaal waqooyi-galbeed ee Hindiya, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhagxaan lagu tuuray socod diini ah oo ay sameynayeen bulshada Hinduuga, markii ay soo gaadheen meel u dhow Masaajid Muslimiintu ku leeyihiin halkaa.

 

Rabshada ayaa sababtay sida ay saraakiishu ku doodeen in la joojiyo innay Muslimiintu xusaan dhalashada Nebi Maxamed CSW, sida ay soo werisay warbaahinta Hindiya iyo kuwa maxaliga ah ee deegaanka Xiisadda ka taagan Jahajpur  ayaa sababtay kaddib  markii dhagax lagu tuuray qaar ka mid ah Bulshadda Hinduuga xilli ay socod ku marayeen meel u dhow Masjid ay muslimiintu ku cibaadaystaan.

Labo qof ayaa la xaqiijiyay innay ku dhaawacantay dhagax-tuurka, dibadbaxyada ayaa ahaa kuwo ay Hinduugu ku diidanaayeen in maalinta dhalashada Nebi Maxamed  la galo fasax, iyadoo Muslimiintu qorshaysteen in shaqooyinka laga noqdo   fasax, balse maamulka Jahajpur ayaa didiay gebi ahaanba fasaxa, waxaana ay arrintaasi abuurtay cadho weyn oo dhanka Muslimiinta ah.

Dalka Hindiya waxa inta baddan ka dhaca rabshado ka dhasha qowmiyaddaha kala duwan iyo Diimaha ay kala aaminsan yihiin, iyadoo xiisaddaha ka dhasha arrimahaa ay noqdaan collaad aan damin oo marba dib usoo laabata.

Rajasthan, oo loo yaqaan ‘Land of Kings dhulkii Boqorka’, waa gobol ku yaal waqooyi galbeed ee Hindiya. Gobolka waxaa horey loogu yiqiin Rajputana waxaana Rajasthan yimid oo la aqoonsaday March 30, 1949.

Dhanka diinta, Hindusku waxay ku xisaabtamaan boqolkiiba 88.49 dadweynaha Rajasthan. Muslimiintu waxay ka yihiin 9.07 boqolkiiba dadweynaha, halka qowmiyada Sikhs  ay yihiin 1.27 boqolkiiba, iyo Jains 0.91 boqolkiiba.

Rajasthani waa luqadda rasmiga ah ee gobolka waxaana ku hadla inta baddan dadweynaha. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale jira dhowr luqadood oo kale oo lagaga hadlo  gobolka, kuwaas oo ay ku jiraan Hindi, Marwari, iyo Urdu.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post