Araweelo News Network

Hillary
Washington(ANN)Haweenayda lagaga guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Maraykanka Hillary Clinton, ayaa ku dhawaaqday in ay ka biya diidan tahay qaabkii wax loo maareeyay xilligii kaanbaynka, waxayna eedayn u jeedisay, isla markaana guuldaradeeda u sibir saartay madaxa ugu sarreya hay’adda FBI-da Ninka lagu magacaabo James Comey.

Hillary Clinton oo la hadlaysay dadkii maalgelinayay Ololaheeda doorashada, ayaa sheegtay in warkii kasoo baxay FBI-da maalmo ka hor intii aan doorashadu dhicin uu dhaawac weyn u geystay mashruuceedii doorashada iyo yoolkeedii ay higsanaysay.

James Comey ayay ku eedaysay in uu dib saaxada siyaasadda u geeyay murunka ku waajahnaa fariimihii Clinton ay ka dirtay Email-keeda khaaska ah xilligii ay ahayd wasiiradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Hase yeeshee Agaasimaha FBI-da, ayaan wali wax jawaab ah ka bixin eedaynta ay u jeedisay Clinton, malaayiin qof Mareykan ah iyo dunida kale, ayaa layaabay sida lama filaanka ah ee uu doorashada ugu guuleystay Trump oo lagu tilmaamo inuu yahay Nin ku caanbaxay cunsuriyad iyo nacayb.

Dhinaca kale magaalooyinka waaweyn ee wadanka Mareykanka wali waxaa kasii socda dibad baxayo ballaadhan oo lagagsoo horjeedo madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Trump.

Boqolaal kun oo qof, ayaa mudaaharaadyo ka dhigaya magaalooyinka New York, Washington iyo gobollada waaweyn ee wadankaasi, dadka iskusoo baxyada dhigaya ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Donal Trum madaxweynaha cusub ee wadanka Mareykanka, balse lagama yaabo inay wax ka bedesho guusha uu hantiyay Donal Trump.