‘”Wejigii koowaad’ ee weerarkeeda wuu dhammaaday. Waxaan qiimaynaa waxyeelada ”  Nasrallah Hoggaamiyaha Hezbollah

 

#Araweelo_News_Network

Beirut (ANN)- Dagaalyahanka Xisbullah ayaa weeraro wada socda oo gantaalo iyo  Diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday guddaha Israel, kuwaas oo ay sheegeen inay jawaab u yihiin dilkii Fu’aad Shukr ee bishii July 2024.

Waxa laga dareemayaa Bariga dhexe xaaladda sii xumnaay,  waxaana lagu tilmaamay inay ahayd maalin ay isweydaarsadeen laba dhinac Israel iyo Xisbullah duqeymo u muuqda inay si weyn usii xoogeysanayaan, iyadoo Israel dhankeeda duqaymo ka geystay   Lubnaan.

Waxaan ku dhownahay inaan soo afjarno bogga tooska ah ee maanta. Laakin ka hor inta aynaan tagin halkan waxaan si degdeg ah u eegi doonaa horumarro xusid mudan, sidaa waxa yidhi, Hoggaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrallah oo wax yar ka hor ka hadlay Talefishinka.

 

Hoggaamiyaha Xisbullah ayaa sidoo kale sheegay in kooxdiisu ay bartilmaansatay saldhig ciidan oo ku dhow magaalada Tel Aviv ee dalka Israa’iil.

Weerarkan gantaalada iyo diyaaraddaha kuwa aan duuliyaha lahayn ee saaka
Ururka Xisbullah wuxuu sheegay in ay rideen in ka baddan 300 oo gantaal, wallow Nasrallah uu sheegay in ay qiimayn doonaan saamaynta duqaynta ka hor inta aannay go’aansanin in la fuliyo kuwa kale iyo in kale.

Xisbullah ayaa weerarka ku tilmaamay inuu jawaab u ahaa dilka taliyahoodii Fu’aad Shukri  oo bishii July 2024, Israel ku dishay duqayn.

Dhankooda goor sii horaysay, militeriga Israel ayaa bilaabay wax ay ugu yeedheen ‘uu yahay weerar hordhac ah oo  ka dhan ah bartilmaameedyada Xisbullah ee Lubnaan, kaddib  markii sida ay sheegeen ay ogaadeen dhaqdhaqaaqyo gantaallo ah oo lagu soo riday Israel.

Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale ka digay in tallaabada maanta “aanay  ahayn dhammaadka sheekada” ee ololaha ka dhanka ah Xisbullah .
Waxa uu sheegay in milateriga Israell ay qabteen oo ay burburiyeen kumanaan gantaallo ah iyo diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo lasoo sheegayo in ugu yaraan Saddex qof lagu dilay Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka, iyadoo ay Xisbullah ku dhawaaqday dhimashada laba ka mid ah dagaalyahannadeeda, halka Israel ay sheegtay in askari ka tirsan IDF uu ku dhintay dagaalka waqooyiga Israel.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com