X
    Categories: Warar

Heshiis Laga Gaadhay Colaadii Gaalkacayo

Gaalkacayo(ANN)Hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta heshiis rasmi ah ka gaaray colaadii ka aloosneyd magaalada Gaalkacyo, waxaana heshiiskani goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke, madaxweyne-yaasha Koofur Galbeed Shariif Xasan Aadan, iyo Jubbaland Axmad Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, xildhibaano, nabadoono, iyo mas’uuliyiin mataleysay beesha caalamka.

Munaasabad ka dhacday garoonka Gaalkacyo ayaa waxaa si fool ka fool ah isugu soo hor fariistay labada hogaamiye, waxayna qalinka ku duugeen heshiis ka kooban afar qodob.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid oo goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug sida ay ugu hogaansameen qodobada heshiiska, waxa uuna xusay in heshiiskani uu hormuud u noqdo nabad iyo isfaham dhex mara maamulada deriska ah.

“Gaalkacyo waxay halbowle u tahay nabadda iyo xasiloonida dalka, waxaana rajeynayaa in heshiiskani uu hormuud u noqdo dhameystirka is fahmi waaga jira, waxaana ku adkeynayaa hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug inay illaaliyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in dhankooda ay dhaqangelinayaan, isla markaana rajeynayaa in dagaal iyo dhibaato intaas looga gudbo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna dhankiisa sheegay in Galmudug ay dhankooda dhaqangelinayaan, ayna illaalinayaan qodobada heshiiska.

Ugu dambeyntiina, waxaa loo mahadceliyay Madaxweyneyaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland, oo iyagu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada dhexe, si loo baajiyo dhiiga iyo colaada Gaalkacyo.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Somalia media.opm@gmail.com Twitter: @SomaliPM

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post