Araweelo News Network

Maayarka Caasimadda Hargeysa  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Xoghayaha dawladda hoose ee Stockholm  Mr. Lars Rådh.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Xoghayaha dawladda hoose ee Stockholm Mr. Lars Rådh.

Stockholm (ANN)Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), ayaa heshiis la saxeexday Maamulka Dawladda Hoose ee magaalada Stockholm oo ah caasimadda dalka Sweden ee qaaradda Yurub.
Heshiishkan waxa kala saxeexday Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Xoghayaha dawladda hoose ee Stockholm ee Sweden Mr. Lars Rådh, iyadoo heshiiskaasina noqonayo mid lagu mataanaynayo labada caasimadood, isla markaana aqoon korodhsiyo iyo tobabaro la isku waydaarsan doono.
Maayarka Hargeysa  oo muddooyinkii u dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Sweden, ayaa soo dhoweeyey heshiishkan, kuna tilmaamay mid taariikhi ah, isago xusay in markii ugu horeysay heshiish iskaashi dhexmaray caasimad ka  mid ah kuwo reer Yurub, isla markaana tobabaro siin doona shaqaalaha Dawladda hoose ee Hargeysa iyo xildhibaannada Golaha Deegaanka caasimadda Somaliland.
“Waa maalin taariikhi ah, waxaannu saxeexnay heshiiskii Stockholm iyo Hargeysa, aad ayaanan ugu faraxsanahay, cidkasta oo Hargeysa horumarkeeda jecelina sidaas ayey ugu farxaysaa, dhinaca magaalada Stockholm waxaa u saxeexay Lars Rådh oo ah (CEO City of Stockholm), waanna Xoghayaha Dawladda Hoose ee Stockholm,” ayuu yidhi maayarka Caasimadda Hargeysa.

Waxa kaloo uu sheegay in heshiishkan fududeyn doonno in weftiyo is waydaarsadaan labada caasimadood, isla markaana xildhibaannada labada degmo xidhiidh wada shaqayn iyo tobabaro xaga waayo-aragnimada ah is waydaarsan doonaan.
Maayarka Caasimadda ayaa muddadii uu xilka maaayarnimo  hayey ku tallaabsaday horumar ballaadhan, waxaanay dhowaan soo iibsadeen qalab dhammaystiran oo ah nooca waddooyinka casriga ah lagu dhiso, iyadoo hadda tobabar ku jiraan shaqaalaha ka shaqayn qalabka casriga ah ee loogu talogalay in lagu dhiso jidadka.
Dhinaca kale, waxa toddobaadyaddii u dambeeyey degmooyinka caasimadda Hargeysa ka socday olole cashuur ururin ah si waddooyinka iyo adeegyada caasimaddu u baahan tahay ugu fuliyaan, taas oo meel fiican u maraysa, waxaana wadooyinka magaaladda caasimadda Hargeysa lagu xidhay laydhka cadceeda ee Solarta, kuwaas oo aan weli la dhamaystirin.
Masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa ayaa ballanqaaday in sannadaha  soo socda horumar baaxad leh ku tallaabsadan doonaan, isla markaana ay u qorsheysan tahay sidii ay caasimadda uga hirsgelin lahaayeen warshaddo yaryar oo dhallinyaradu shaqo ka hesho.
 
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380