X
    Categories: Warar

Hay’addo Ka Hawlgala Dalka Qadar Oo Dacwad Caalami Ah Ku Oogaya Xulufada Sucuudiga

Araweelo News Network

People walk in the popular Souq Waqif market, in the Qatari capital, Doha, June 7, 2017. (Photo by AFP)

Doxa(ANN)- Hay’adaha xuquuqda aadamaha ee hawlgala dalka Qadar, ayaa ku dhawaaqay inay dacwad caalami ah ku oogayaan xulufada dalalka Carabta ee uu hoggaaminayo waddanka Sucuudigu ee go’doominta saaray Qadar.
Hay’adaha iyo ururrada qaabilsan xuquuqal-insaanka ee Qadar, ayaa doonaya inay maxkamad sharci la tiigsadaan saddexda dal ee Sucuudiga, Imaaraadka iyo Baxrayn si ay mag-dhaw ugu helaan boqolaal muwaadiniin u dhashay dalka Qadar oo ay saamaysay go’doominta dalalkaasi ka saareen dhinacyada dhulka, cirka iyo badda kadib khilaaf siyaasadeed oo soo dhexgalay.
Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadamaha ee Qadar (NHRC), ayaa sheegtay inay ka shaqaynayso sidii ay u kiraysan lahayd shirkad caalami ah oo ka shaqaysa sharciga oo ka hawlgasha dacwadda khasaaraha iyo dhaawacyada go’doominta la saaray Qadar ka soo gaadhay muwaadiniinta dalalka ku bahoobay ururka dalalka Khaliijka ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa GCC.
Hay’adda xuquuqal-insaanka u qaabilsan Qadar waxay tallaabadan go’doominta ee xulafada Sucuudiga ku tilmaantay ciqaab wadareed dambi wayn ah, “Arrintani waa ciqaab wadareed iyo dambi caalami ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qadar oo la yidhaa Cali bin Smaikh.
Guddoomiyaha hay’adda xuquuqda aadamaha ee Qadar oo kulan la qaatay garyaqaannada u dhashay dalkaasi waxa uu ka dalbaday inay kiis dacwad ah ka diyaariyaan 700 cabasho oo soo gaadhay komishankiisa.
Dalalka Sucuudiga, Masar, Imaaraadka, Baxrayn iyo dalal kale oo Carab ah, ayaa xidhiidhka dublamaasiyadeed u jaray dalka Qadar Isniintii toddobaadkii hore kadib markii ay ku eedeeyeen in dawladda Doxa ay taageerto ururrada argagixisada ah, inkastoo eedayntaasi ay iska fogaysay Qadar.
Dawladaha Sucuudiga, Baxrayn iyo Imaaraadka oo iyagu ka sakow xidhiidh u jaridda Qadar ka go’doomiyey isu-socodka dhinacyada dhulka, cirka iyo badda, ayaa sidoo kalena waxay muwaadiniinta u dhashay Qadar ay ku amreen inay dalalkooda kaga baxaan muddo 14 maalmood ah, halka waqti kaa la mid ahna ay ku amreen inay kaga soo baxaan dadka u dhashay dalalkaasi ee ku sugan Qadar.
Dhinaca kale, hay’adda Xuquuqda Aadamaha caalamiga ah ee Amnesty, ayaa iyaduna cambaaraysay go’doominta la saaray dalka Qadar oo ay sheegtay inay kala xidhayso qoysas badan, isla markaana ay burburinayso nolosha iyo waxbarashada kumanaan qoys oo kale.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post