X
    Categories: Warar

Hay’addaha Caalamiga Ah Oo Kenya Uga Hanjabay Inay Joojinayaan Hawlaha Gargaarka Ee Ay Ka Wadaan Somalia


Nairobi(ANN)Hay’addaha gargaarka ee caalamiga ah ee ka hawlgala S oomaliya ayaa ka digay in ay joojin doonaan shaqooyinkii ay soomaliya ka hayeen ee gargaarka bini’aadanimo, haddii aanay dawladda Kenya ka noqon go’aankii ay ku xayireen xawilaadaha dalkeeda ka hawlgala, arrin taas oo daba socotay weerar kii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa.

War saxaafadeed ay soo saareen 15 hay’adood oo ka shaqeeya hawlaha gargaarka Soomaaliya, waxay ku sheegeen in ay shirkadahaasi xawaaladaha ku dirsan jireen lacagaha ay u adeegsadaan hawlaha gargaarka, isla markaasna ay ku bixiyaan mushahaarada iyo kirooyinka hawlaha samafalka ee Soomaaliya.

Baaqa, waxay kaga digeen Hay’addaha gargaarku in xidhitaanka xawaaladaha ay saameyn xooggan ku yeelatay Soomaalida saboolka ah ee ku tiirsan dhaqaalaha loogu soo diro xawaaladaha oo ay u isticmaalaan in ay ku xidhantahay noloshoodu, isla markaana ku iibsadaan cunto iyo inay iskaga bixiyaan kharashaadka caafimaadka iyo iskuulada.

Dawlada Kenya ayaa ku sheegtay go’aanka ay xayiraada ku saartay in ka baddan 80 Xawaalado iyo akoono xisaabeed ay leeyihiin shaqsiyaad sabab u tahay arrimo la xidhiidha dhinaca amaankeeda, iyadoo ku tilmaantay in ay shirkadahaasi dhaqaale iyo lacago u gudbiyaan Al Shabaab.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post