X
    Categories: Warar

Hay’adda UNICEF oo Qoraal Raalligalin ah u soo dirtay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) – Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF ayaa markii ugu horraysay raalligalin ka bixisay hadallo qadaf ah oo mid ka mid ah masuuliyiinteedu kula kacay madaxda wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.
Qoraal raalligalin ah oo ay ku saxeexan tahay madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF Marwo Aamina Maxamed, ayaa lagu muujiyay sida ay uga xun yihiin habdhaqankii ka baxsanaa anshaxa shaqada ee masuulkooda oo magaciisa la yidhaa Maxamuud Cabdi Sheekh Axmed uu ku tallaabsaday, mar ay dhowaan kulan kula jireen madaxda Wasaaradda.
Qoraalka marwo Aamina Maxamed ayaa daba socday kadib markii hay’addeeda lagaga guulaystay mashruuc lagu horumarinayo Waxbarashada oo ay u tartameen hay’adaha Save The Children iyo UNICEF, taasina ay dhalisay in hawlwadeenka UNICEF ee Maxamuud Cabdi Sheekh Axmed uu u dhaqmo si ka baxsan anshaxa wada-shaqaynta u dhexaysa Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo Hay’adda UNICEF.
Qoraalkan raalligalinta ah oo tixraaciisu ahaa (SOM/HAR/16/242), kuna taariikhaysnaa 30kii Noofambar 2016, oo ay nuqul ka mid ah Warbaahintu heshay ayaa lagu sheegay in aanay dib u dhici doonin qadafka uu ku tallaabsaday masuulka UNICEF.
“Waxaannu yiqiinsannahay in masuulkayagu u dhaqmay si aan habboonayn, si niyad ahna waannu idiinka raalligalinaynaa,” ayaa lagu bilaabay qoraalka raalli-galinta ah ee hay’adda UNICEF, xafiiskeeda Somaliland.
“Hawlwadeennadayada qaarkood waxa qaadi karta caadifadda mararka ay la kulmaan xaalado adag, sida tan hadda dhacday oo kale” ayay tidhi Marwo Aamina Maxamed, waxaanay intaa raacisay, “Arrintan waxaannu ka wada hadalnay hawlwadeenkii ay khusaysay ee gefka sameeyay, wuu qiray qaladkii uu sameeyay, waanuu ka qoomamooday. Waxa ka go’an in aanu dib u samayn gef kale.”
Qoraalka madaxa xafiiska Somaliland ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Carruurta ee UNICEF Marwo Aamina Maxamed, waxa lagu soo afmeeray: “Waxa naga go’an inaannu sii wadno wada-shaqaynta aannu la leennahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland iyo taageerista xaqa uu ilme kastaa ba u leeyahay in uu waxbarasho helo.”
Si kastaba ha ahaatee, qoraalka UNICEF ayaa ka marag-kacaya sida ay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ugu guulaysatay inay ilaaliso haybadda qarannimo iyo milgaha dawladnimo, maadaama ay masuuliyad weyni ka saaran tahay ilaalinta haybadda qarannimada.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post