X
    Categories: Warar

Hay’adda Shaqaalaha Oo Diwaangelinta Iyo Madaxtaabashadda Shaqaalaha Ka Bilawday Gabiley Iyo Bali-Gubadle

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa ka bilawday Barnaamijka Diwaangelinta ee Madax taabashadda iyo Tirinta Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda Somaliland ee ka hawlgala magaalooyinka Bali-Gubadle iyo Gabiley.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgalka ay ka bilaabeen magaalooyinka Gabiley iyo Bali-Gubadle ee Barnaamijkii mudada Bisha ka badan ay Hay’addiisu gacanta ku haysay ee Madax taabashadda iyo Tirinta Shaqaalaha kala duwan ee Dawladda Somaliland oo haatan u gudbay aanay ka bilaabeen meelo ka baxsan Caasimadda Hargeysa oo in mudo ah ku qaadatay inay duwaan geliyaaan shaqaalaha dawladda xoogan ee Caasimadda ku sugan, waxaana guddoomiye sharmarke Geelle uu faahfaahintiisa ku yidhi.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, ayaa maanta diiwaangelinta Shaqaalaha Dawaldda ka bilowday shaqaalaha ku suggan Gabiley iyo Balligubadle

– Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey hay’adda shaqaalaha dawladdu ku gudo jirtay diiwaangelinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo ayaa waxa ay maanta si rasmi ah uga bilaabeen hawlahoodii shaqo magaalooyinka Gabiley iyo Balligubadle

– Inta diiwaangelintan socoto ayaa la hubin doonnaa tirada shaqaalaha dawladda, waxay ay tebayaan iyo meesha ay ku tamar badan yihiin si qorshe qaran looga yeesho.

– Waxaa kaabiga soo saaran;

= Shaqo abuur

= Shaqaale tayo leh.

= Siyaasado dhaqa shaqaalaha dawladda iyo

= Inta gabowday oo si gobonimo loo sagootiyo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post