X
    Categories: Warar

Hay’adda Lacagta Adduunka oo Shuruudo ku Xidhay in Soomaaliya Laga Saamaxo Daymaha Caalamku ku Leeyahay

Araweelo News Network

Nairobi (ANN)- Hay’adda caalamiga ah ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ee la yidhaah IMF (International Monetary Fund), ayaa shuruudo adag ku xidhay in Soomaaliya laga saamaxo lacago dayn ah oo lagu leeyahay oo xadigoodu dhan yahay $5.3 bilyan oo doollar.
Sida lagu sheegay warbixin lagu faafiyey shabakadda ka faaloota wararka arrimaha dhaqaalaha ee Bloomberg.com oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, Hay’adda caalamiga ah ee IMF, ayaa sheegtay in lacagaha daynta ah ee caalamku ku leeyahay Soomaaliya laga saamixi karo, haddii maamulka Muqdisho la yimaad isbeddel dhab ah oo lagu sameeyo nidaamka dhaqaalaha iyo kobcinta maamulka dawliga ah.
“Waxa jirta rabitaan guud oo ay qabaan cidda daynta leh (creditors) oo ah inay meesha ka saaraan lacagaha daynta ah ee ay ku leeyihiin Soomaaliya marka ay timaad waqtiga ugu macquulsan ee arrintaas la samayn karo, waana arrin ifafaalo wanaagsan ah.” Sidaa waxa yidhi Mr. Samba Thiam oo ah masuul ka tirsan hay’adda IMF oo waraysi lagula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya toddobaadkan.
Waxa kaloo uu sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay inay marka hore bixiso lacago dayn dheeraad ah oo ay ku leeyihiin Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF, Baanka Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, ka hor inta aan laga saamixin daymaha rasmiga ah ee dalalka Adduunku ku leeyihiin Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan daymaha ay qaadatay dawladdii Siyaad Barre wixii ka horeeyey sannadkii 1990-kii.
“Waxa looga baahan yahay Soomaaliya inay horumariyaan nidaamka dhaqaalahooda, kadibna dayntu waxa ay noqon doontaa arrin la xallin karo waqti kasta,” ayuu yidhi sarkaalka ka tirsan Hay’adda IMF.
Sida lagu sheegay warbixinta wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, dagaalo kala duwan oo socday muddo ka badan 25 sanno, ayaa burburiyey nidaamka siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya.
Waxa kaloo ay Hay’adda IMF tilmaantay inay taageerayso sidii Soomaaliya u soo daabacan lahayd lacag shillinka Soomaaliga ah oo cusub, lagana aqoonsan yahay adduunka, taasoo la filayo in daabacaadeeda la dhammaystiro sannadkan lagu jiro ee 2017, iyadoo sidoo kale doollarku noqonayo lacagaha isticmaalkoodu barbar socdo shillinka Soomaaliga.
“Qiyaastii 98% lacagta laga isticmaalo Soomaaliya waa mid been-abuur ah, inta soo hadhay oo ah 2% waa lacagtii la soo daabacay intii u dhexaysay 1990 ilaa 1991-kii oo weli laga sii isticmaalo Soomaaliya, balse ah lacag duug ah oo aad u gaboowday,” ayuu yidhi Mr. Samba Thiam.
Hay’adda IMF, ayaa sidoo kale doonaysa inay gacan ka gaysato sidii loo dhisi lahaa awooda iyo tayada baanka dhexe ee Soomaaliya, kaasoo ay tahay inuu dejiyo, isla markaana maamulo siyaasadda lacagta Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post