X
    Categories: Warar

Hay’adda Caalamiga Ah Ee Xuquuqda Aadamaha Amnesty Oo Dawladda Ethiopia Ugu Baaqaday In La Baabiiyo Ciidanka Liyu Booliska

Araweelo News Network

New York(ANN)-Hay’adda xuquuqda aadnaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dowladda Ethiopia inay si deg deg ah u kala dirto ciidamada booliska is-maamulka Soomaalida ee Liyu Boolis, waxayna arrintaa sabab uga dhigtay  inay si sharci darro ah dad ugu dilayaan gobolka Oromada.

Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xubno ka mid ah ciidamadaas ay toddobaadkan gubeen 48 guri oo ay lahaayeen qoysas Oromo ah, kuwaas oo ay ku qasbeen inay u qaxaan magaalada Kiro ee gobolka Oromada.

Sidoo kale waxay warbixintu sheegtay in 23-kii iyo 24-kii May ay ciidamada Liyu Boolisku weerareen afar xaafadood oo ku yaalla degmada Jinacsalay ee Bariga Oromia, halkaasi oo ay ku dileen 5 qof, oo beeraley ahaa, islamarkaana ku gubeen 50 Guri oo ku yaalay halkaa.

Agaasimaha Amnesty ee Barga iyo Geeska Afrika, Joan Nyanyuki ayaa dowladda Ethiopia ugu baaqay in ay ciidamada Liyu Boolis ku beddesho ciidamo u hoggaansama xeerarka caalamka ah ee xuquuqda aadanaha, ayaa lagu yidhi, nuxurka warbixintaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post