X
    Categories: Warar

Hawlgalka Diwaangelinta Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Gebo Gebo Ku Dhaw Iyo Guddoomiye Sharmarke Geelle Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland oo labadii Bilood ee u dambeeyey guud ahaan Gayiga Goboladda Somaliland, si xawaare iyo dedaal dheeri ah ka muuqdo uga waday diwaangelinta madaxtaabashadda iyo tirinta ee shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa iclaamiyey in meel gebo gebo ah ay marayso soo afmeerida hawlgalkaasina ay ku sii dhaw yihiin hay’addooda gacanta ku haysay mashruucan qaranka Somaliland ahmiyadda ugu fadhiya.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle iyo Saraakiisha iyo hawl wadeenada kale ee Hay’adda shaqaalaha oo 2-dii todobaad ee u dambeeyey iskaga gooshaayey goboladda SOOL iyo Sanaag oo hawlgalka Madax taabashadda iyo diwaangelinta shaqaalaha dawladda ay halka ka wadeen, ayaa ka dhawaajiyey inay hawshii diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ay dalka ka wadeen gebo gebo ku dhawdahay isla markaana gobolkii u dambeeyey ay hada dhamaystirkiisa sidii loo diwaangelinlahaa shaqaalaha halka ku sugan si xawli iyo xawaare ah ku socoto hawshu oo hada geba gebo ku dhowdahay.

” Illaahay Fadligii waxaa dhanka kale dhammaad ku dhaw diiwaangelinta Deegaamada Gobolka Sool iyo Saraar halkaas oo koox diyaarsan si dedaal le ugu shaqaynayeen Xarumaha Laascanood iyo Caynaba.”ayuu yidhi Sharmaarke.

 

Wuxuuna intaa ku daray in Shaqaalaha dawladdu ay  si niyad-sami iyo rejo badan ka muuqato u soo gaadhayey xarumaha diiwaangelinta iyaga oo bixinayey xog iyo xaqiiq inta ay hayaan, isagoo xusay In dhawaan dhammaad ku dhawyahay hawl-qabadkii mudooyinkan soo taxnaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post