Araweelo News Network

Taliyaha_Laanta_Socdaalka_Somaliland

Hargeysa(ANN)Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Col. Maxamed Yuusuf (Ina Canbaro), ayaa sheegay inay hawlaglka dadka Ajaanibka ee laga saarayo dalka Somaliland aanu ahayn mid ku waajahan qowmiyad gaar ah, isla markaana aanu ahayn dadka Qomiyadda Oromada oo keliya, balse qof walba oo Ajaanib ah Jinsiyada uu doono ha sitee oo aan haysan sharci uu dalka Somaliland ku joogo laga masaafurimayo.

Col. Canbaro, wuxuu sidaa u sheegay Caawa mar Weriye ka tirsan shebekadda wararka ee Araweelo News Network kula xidhiidhay khadka Isgaadhsiinta, wuxuuna sidoo kale sharaxaad ka bixiyay dadka ilaa hadda markii uu hawlgalku bilaabmay maalintii shalay laga saaray dalka iyo tiro ka mid ah dadkaa oo lasii daayay.

“Dadka ajaanibka ee dalka laga saaray ilaa shalay waa 780 qof, waxaa la sii daayay 158, haystay warqaaha sharciga ee Qoxootinimo iyo ku dhowaad 20 qof oo ay kaxaysteen dad muwaadiniin ah, kuwaas oo damiin ka ah.” sidaa waxa yidhi Col. Canbaro oo sharaxaya tirada dadka ay ka saareen dalka iyo kuwa lasii daayay markii ay Hay’adda Qoxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR cadaysay inay yihiin dad qoxooti ah.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, Col. Maxamed Yuusuf (Ina Canbaro), wuxuu sheegay in ay jiraan dad kale oo iskood uga baxay dalka oo ku laabtay dalkooda, kuwaas oo sida uu sheegay koox koox uga baxay dalka.

sidoo kale , waxa uu sheegay inay xafiis u fureen dadka doonaya inay u shaqaale ka dhigtaan dadka Ajaanibka ah oo sharci ay dalka ku joogaan la siinayo, isla markaana laga qaadayo damiin loo raaco, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi, “Xafiis ayaan u furmay lagala xidhiidhayo dadka Ajaanibka ah ee ay dadka muwaadiniinta ah dalbadeen inay u shaqaynayaan, kuwaas ayaan kala xisaabtami doonaa, mana ogolaanayno qof aan sharci haysan inuu dalkan joodo, muwaadiniinta aan haysan Kaadhadhka aqoonsiga lagama ogolaanayo inay safar galaan oo Kaantaroolada, ayaa laga celinayaa, markaa dadku waa inay sidaa ula socdaan” ayuu yidhi Col. Maxamed Yuusuf Canbaro oo xog waran koobansiiyay Caawa shebekadda Araweelo News Network.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409