X
    Categories: Warar

Hawlgal Ciidamada Sida Gaarka Ah U Tababaran Ee Alpha Ka Fuliyeen Xaafad Ku Taal Magaalada Muqdisho

 
Mogadisho(ANN)Hawlgal Ciidanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Somalia oo kaashanya Alpha Group, ka fuliyeen xalay Magaalada Moqdisho, ayaa lagu qabtay hub iyo saanad ciidan oo si sharci darro ah loogu heystay guri ku yaala xaafada Buulo xuubeey ee Degmada Wadajir.

Howlgalkan oo ujeedadiisu ahayd in lagu bartilmaameedsado goobo cayiman oo ay ciidanka Nabadsugidu ka war heleen, waxay kasoo qabteen Hub iyo saanad ciidan oo aan la shaacin tiradooda iyo cida iska lahayd.

In kasta oo aanay Saraakiisha ciidamada amaankana weli wax war ah kasoo saarin hubkan iyo ciddi iska laheyd, balse waxa la rumaysan yahay in Hubkaa iyo Saanada Milateri ee la qabtay uu ahaa mid lala xidhiidhinayo in ay lahaayeen kooxaha ka dagaalama Magaalada Muqdisho iyo deegaamo baddan oo ka tirsan Somalia.

Sidoo kale Ciidamada hawlgalka sameeyay, ayaa baadhitaano ku sameeyeen guryo kale oo ku yaala isla xaafada Buulo xuubeey, kuwaas oo lala xidhiidhiyay tuhuno macluumaad laga helay halkaa ka hor intii aan hawlgalka la fulin.

Maaha markii u horaysay ee Sirdoonka Somalia oo kaashanaya Ciidanka Alpha ee la dagaalanka Argagixisadu sidan oo kale hawlgalo ka fuliyeen guryo ku yaal xaafadaha Magaalada Muqdisho, todobaadkii hore ayay ahayd markii hawlgal ay ka fuliyeen Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, waxay ku khaarajiyeen Sheekh Xasan Sheekh Axmed oo ahaa Wadaad Macalin Quraan ah oo wax ka dhigayay Dugsi Quraan ku yaal Xaafada Kaawo Godey ee deegaankaa, kaas oo ay Ciidanku si foolxun ugu toogteen halkaa xili uu Arday u marinayay Quraan.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo inta baddan hawlgalo ka fuliya deegaamo ka tirsan Gobolka Banaadir, ayaa tacadiyo iyo dilal foolxun oo sidan oo kale ah u geysta dad shacab ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo inta baddan aan waxba laga qaban.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post