X
    Categories: Warar

Hawl-gal Ciidamada Belgiumka iyo Faransiisku Wadajir U Fuliyeen Oo Khasaare Kasoo Gaadhay

Araweelo News Network
Brusseles(ANN) Seddax Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Booliiska Belgium-ka iyo kuwa Faransiiska ayaa ku dhaawacmay hawl-gal ay ka qeyb galeen Ciidamada Faransiiska uu ka dhacay magaalada Brusseles ee Caasimadda dalka Belgium,waxaana ku geeriyooday Hal ruux oo dablayda hubaysan ee gashay halkaa ka tirsanaa

Saraakiisha Laamaha Ammaanka ee Dalka Belgium-ka waxay sheegeen Ciidamada Booliiska ee Dalkaas oo kaashanaya kuwa Faransiiska ay xoog ku galeen guri kuyaalla magaalada Caasimadda oo ay ku sugnaayeen dad looga shakisanyahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii dhammaadkii Sannadkii tagay ka dhacay magaalada Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqollaal ruux, isla markaana si weyn saamayn ugu yeeshay amaanka dalalka Yurub.

Iska hor imaad kooban ayaa la sheegay inuu dhexmaray Ciidamada iyo raggii gurigaas ku sugnaa, waxaana rasaasta la is weydaarsaday ku dhintay hal ruux oo ka mid ahaa kooxdii hubeysneyd ee guriga ku sugneyd oo sitay dhalasho Algerian ah, kaas oo magaciisu ahaa Mohamed Belkaid, halka ay dhaawacmeen dhowr Askari oo Ciidamada Booliiska ee wadajirka u fulinayay hawgalkaa ka tirsanaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, Barnar Kaznof oo isagoo ku sugan magaalada Abidjan ee dalka Ivery Coast Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Booliiska ee Faransiiska ka qeyb galeen hawl-gal gaar ah oo ka dhacay magaalada Brusseles ee dalka Belgium-ka, wuxuuna tilmaamay in howl-galkaas wadajirka ah loo qaaday in lagu soo qabto rag lagu tuhunsanyahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii Paris.

Hawl-galkan waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee si wadajir ah ay fuliyaan Ciidamada Dowladaha Faransiiska iyo Biljimka, kaasoo ay ku baadi goobayaan rag lala xidhiidhinayo Weerarkii Paris, balse Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalalkaasi illaa iyo hadda ma sheegin in howl-galka lagu soo qabtay cid lala xidhiidhinayo weerarradaa, ama waday weeraro kale.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post