X
    Categories: Warar

Haweenka Aqalka Congress-ka Maraykanka Iyo Madaxweyne Trump Oo Jawaabo Kulul Is Dhaafsaday

saddex ka mdi ah Dumarka Aqalka Congress-ka Maraykanka

Washington. D.C (ANN)-Gabdhaha Aqalka Congress-ka Maraykanka, ayaa sheegay in aanay marnaba ka daali doonin inay la xisaabtamaan Madaxweyne Trump.

Rashida Tlaib, Ayanna Pressley, Ilhan Omar and ALexandria Ocasio-Cortez responded to the atacks at a press conference on Monday

“Waa arrin la idiinka jeedinayo qalalaasaha uu maamulkiisa hayo iyo dhaqanka musuqmaasuqa” ayay ku yiraahdeen dumarka Afarta ah  oo shir jaraa’id qabtay Washington, isla markaana waxay Afarta hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , isla markaana Madaxweyne Donald Trump ku cunsuriyadeeyay asalkooda ayaa sheegay in hadalkiisa aanu wax kasoo qaad lahayn.

Hablahan oo kala ah, Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib ayaa dadka Maraykanka ka codsaday in aanay ku dagmin ‘dabin ay sheegeen in Madaxweyne Trump u maleegayo.

Labada Hablood ee Ilhan iyo Tlaib, ayaa ku celiyay baaqoodii ahaa in codka kalsoonida loo qaado Trump, waxayna  sheegeen Dumarka Aqalka Congress-ka Maraykanka in marnaba aan afkooda la qaban karin, islamarkaana aan la takoori karin, iyagoo xusay  inay Afar ka badanyihiin oo ay ka mid yihiin qof kasta oo aaminsan waxa ay rumeysanyihiin.

“Indhaha taariikhda ayaa na eegaya, waxa ka dhacaya xuduudaheena ee ah ku xad gudub xuquuqda aadanaha ma ahan wax wanaagsan ” ayay tidhi, Ilhan Omar oo ah xubnaha ugu cad-cad hablahaa oo marar badan ay warbaahinta isku weerarreen Madaxweyne Trump.

Dhawaaqa Haweenkaa ee wada jirka ay ugu qabteen shirka shir jaraa’id , ayaa ka danbeeyey kadib markii Madaxweyne Trump  weedho uu  dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay   inay dalkoodii ku laabtaan, inkasta oo afartooduba  ay yihiin muwaadhiniin Maraykan ah.

Madaxweyne  Trump,  ayaa difaacay hadaladiisa oo lagu tilmaamamay mid cunsuriyadaysan,  wuxuuna beeniyay in ay yihiin weedhihiisu kuwa cunsuriyad ah. Kadib markii ay cambaareeyeen siyaasiyiinta xisbiga dimoqraadiga oo ku tilmaamay mid ay ka buuxdo cunsuriyad.

Balse mar kale Madaxweyne Donald Trump, ayaa  weerar afka ah ku qaaday Afarta mudane oo dumar ah, isla markaana ka tirsan Koongareeska Mareykanka , kuwaas oo aan caddaan ahayn oo ay ku jirto Ilhan Cumar.

Wuxuuna Madaxweyne Trump, qoraal  uu Isniinti ku faaiyfay bartiisa Twitter-ka  ku sheegay in Afartaasi dumarka ah ay ku gafeen Mareykanka, Israel iyo Madaxtooyada Aqalka Cad ee Maraykanka.

Trump ayaa qoraalkiisa ku yiri:”Goorma ayay dumarka xildhibaanada ah ee bidixda mayalka adag ee ku jira Koongareeska raalli gelin siin doonaan waddankeenna, dadka Israil iyo xitaa xafiiska madaxtooyada, sababo la xidhiidha luqadda khaldan ee ay adeegsadeen iyo hadallada gurracan ee ay sheegeen.

Madaxweyne Trump ayaa intaasi ku daray in dad badan ay mudanayaashani u careysanyihiin.

Hadalkaan ayaa imanaya maalin kaddib, marki uu madaxweyne Trump  shalay ku weeraray bartiisa twitter-ka afartan mudane ee xisbiga dimoqraadiga kasoo gala Koongareeska. Wuxuu dhamaantood u sheegay in ay dib ugu laabtaan waddanada ay asal ahaan kasoo jeedaan, si ay u xalliyaan mushkiladaha dhinacyada maamulka, iyo danbiyada ee u sheegay in ay ka jiraan.

Haweenka Mudanayaasha ah oo  kala ah, Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley, ayaa dhamaantood ku dhashay Mareykanka, marka laga reebo  Ilhan Omar oo Maraykanka tagtay iyada oo yar.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post