X
    Categories: Warar

Haweenayda Muslinka Ah Ee Afhayeenka Baarlamaanka Ethiopia Oo Is Casishay

Khayria Ibraahim

Addis Ababa(ANN)–Afhayeenkii Aqalka Federaalka Baarlamaanka Ethiopia, ayaa is casishay, waxyar kaddib markii uu Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed khudbad uu halkaa ka jeediyay oo sulaao laga weydiiyayAqalka Federaalka Baarlamaanka Ethiopia, ayaa is casishay, waxyar kaddib markii uu Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed khudbad uu halkaa ka jeediyay oo sulaao laga weydiiyay xaaladda dalka iyo doorashada Ethiopia  kaga hadlay.

Khayriya Ibraahim Afayeenka aqalka baarlamaanka , waxay  is casishay  isniintii  maanta, iyadoo  is casilaadeedu mudaaharaad muuqda ka muujinaysa dib u dhigida doorashooyinka la filayay in ay dalkaa ka dhacan, kuwaas oo horre  xukuumadda Federaalku u sheegtay in aanay xilligan suurta gal ahayn, maadaama ay jirto xaaladda cuddurka Coronavirus, balse Dawlad deegaanka Tigreegu ay ku gacan saydheen, iyagoo si cad u sheegay in ay qabanayaan doorashada oo ay ka dhacay deegaankooda.

Arrinta khilaafka doorashada iyo siyaasada  Ra;iisal Wasaare Abiy, ayaa sababay in ay sii xoogaystaan khilaafka u dhexeeya xisbigeeda TPLF, iyo xukuumadda oo muujinaysa xiisadda sii kordheysa ee ka dhex aloosan labada dhinac.

Haweenayda Afhayeenka ah,  Keria Ibrahim ayaa ka mid ah haweenay Muslin ah oo ka mid ah haweenka soo galay Baaralaamka ee metelaya deegaanka Tigreega, waxayna sidoo kale ahayd arkaal sare oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Tigreega (TPLF), oo ka mid ah xisbiyada waaweyn ee dalka isla markaana ka soo horjeeday dib u dhigista doorashada.

Doorashooyinka baarlamaanka iyo gobollada  ee Ethiopia, waxaa loo qorsheeyay bisha August, ka hor dhamaadka aftiga ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee  bisha Sebtember, balse weli lama cayimin xilliga cusub  ee loo qorsheeyay doorashoooyinka.

Haweenaydan, ayaa Waraysi ay siisay Ttelefishinka ka sheegtay , waxayna Keria ku eedeeyay dowladda Abiy inay qaadatay xuquuqda ay leedahay bulshada dalka Ethiopia, balse may fasirin xuquuqda ay sheegtay in ay qaadatay xukuumadda Abiy.

“Kama noqon karo gacan-ku-dhiigluq marka dastuurka la jabiyo oo dawlad digtaatooriya  la sameeyo,” ayay tidhi. “Waxaan iska casilay inaanan iskaashi la yeelan (qaladka) taariikhdan oo kale ah.”, ayay raacisay.

AKHRI: Ethiopia Oo Gashay Xaalad Siyaasadeed Oo Cakiran Khilaafka Doorashada Ee Tigreega Iyo Dawladda Federaalka

Xisbiga TPLF, ayaa sidoo kale ah xisbiga xukuma gobolka Tigreega ee dawlad deegaanka, nwaxayna horre ugu hanjabe inay abaabuli doonaan codbixinta aagaas si ay uga soo horjeestaan dib u dhigista, taasoo suurta gal ka dhigaysa in gobolka uu dagaal kadhaco dawlada federalka, iyadoo xukuumadda Abiy si weyn u diiday go;aanka ay ka dhawaajiyeen Tigreegu.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post