Addis Ababa(ANN)–Afhayeenkii Aqalka Federaalka Baarlamaanka Ethiopia, ayaa is casishay, waxyar kaddib markii uu Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed khudbad uu halkaa ka jeediyay oo sulaao laga weydiiyayAqalka Federaalka Baarlamaanka Ethiopia, ayaa is casishay, waxyar kaddib markii uu Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed khudbad uu halkaa ka jeediyay oo sulaao laga weydiiyay xaaladda dalka iyo doorashada Ethiopia kaga hadlay.
Khayriya Ibraahim Afayeenka aqalka baarlamaanka , waxay is casishay isniintii maanta, iyadoo is casilaadeedu mudaaharaad muuqda ka muujinaysa dib u dhigida doorashooyinka la filayay in ay dalkaa ka dhacan, kuwaas oo horre xukuumadda Federaalku u sheegtay in aanay xilligan suurta gal ahayn, maadaama ay jirto xaaladda cuddurka Coronavirus, balse Dawlad deegaanka Tigreegu ay ku gacan saydheen, iyagoo si cad u sheegay in ay qabanayaan doorashada oo ay ka dhacay deegaankooda.
Arrinta khilaafka doorashada iyo siyaasada Ra;iisal Wasaare Abiy, ayaa sababay in ay sii xoogaystaan khilaafka u dhexeeya xisbigeeda TPLF, iyo xukuumadda oo muujinaysa xiisadda sii kordheysa ee ka dhex aloosan labada dhinac.
Haweenayda Afhayeenka ah, Keria Ibrahim ayaa ka mid ah haweenay Muslin ah oo ka mid ah haweenka soo galay Baaralaamka ee metelaya deegaanka Tigreega, waxayna sidoo kale ahayd arkaal sare oo ka tirsan Jabhadda Xoreynta Tigreega (TPLF), oo ka mid ah xisbiyada waaweyn ee dalka isla markaana ka soo horjeeday dib u dhigista doorashada.
Doorashooyinka baarlamaanka iyo gobollada ee Ethiopia, waxaa loo qorsheeyay bisha August, ka hor dhamaadka aftiga ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee bisha Sebtember, balse weli lama cayimin xilliga cusub ee loo qorsheeyay doorashoooyinka.
Haweenaydan, ayaa Waraysi ay siisay Ttelefishinka ka sheegtay , waxayna Keria ku eedeeyay dowladda Abiy inay qaadatay xuquuqda ay leedahay bulshada dalka Ethiopia, balse may fasirin xuquuqda ay sheegtay in ay qaadatay xukuumadda Abiy.
“Kama noqon karo gacan-ku-dhiigluq marka dastuurka la jabiyo oo dawlad digtaatooriya la sameeyo,” ayay tidhi. “Waxaan iska casilay inaanan iskaashi la yeelan (qaladka) taariikhdan oo kale ah.”, ayay raacisay.
Xisbiga TPLF, ayaa sidoo kale ah xisbiga xukuma gobolka Tigreega ee dawlad deegaanka, nwaxayna horre ugu hanjabe inay abaabuli doonaan codbixinta aagaas si ay uga soo horjeestaan dib u dhigista, taasoo suurta gal ka dhigaysa in gobolka uu dagaal kadhaco dawlada federalka, iyadoo xukuumadda Abiy si weyn u diiday go;aanka ay ka dhawaajiyeen Tigreegu.