Araweelo News Network
New York(ANN)-Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa soo bandhigtay wax ay ku sheegtay in ay yihiin hadhaaga gantaallo ay dowladda Iiraan siisay mucaaradka Yaman.
Gantaaladan ayay Xuutiyiinta u isticmaaleen weerar ay ku qadeen dhulka Sacuudiga. Mar ay ka hadlaysay hadhaagii gantaaladaasi ay soo bandhigtay ayay sheegtay in ay tahay mid muujinaysa sida ay Iiraan u hurinayso colaadda bariga dhexe.
Iiran ayaa beenisay eedeeynta loo soo jeediyay ee ah in ay horinayso colaadaha bariga dhexe iyo in ay Xuutiyiinta hub siisay.
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanka ay doonayaan in ay qariyaan dambiyada dagaal ee ay Sacuudiga ka gaysteen Yamen.
Xuutiyiinta ayaa dalka Yamen kula dagaalamaya xulafada ay hogaamiyaan Sacuudiga, waxayna Horraantii bishan kooxda Xuutiyiinta ay dileen madaxwaynihii hore ee Yamen Cali Cabdalle Saalax.kadib markii uu sheegay inuu ka baxay isbahaysigii uu kula. Jiray kooxdaa.