X

Haweenayda Madaxweyne Mugabe Oo Lagu Haysto Fargashi 1.4 milyan oo doolar ah

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Mid ka mid ah jaraa’idka ka soo baxa dalka Zimbabwe oo lagu magacaabo Independent ayaa boggiisa hore saaka ku soo daabacay sheeko ku saabsan in dacwad lala tiigsaday xaaska madaxweyne Rubart Mugabe ka dib markii laga war helay inay dalbatay fargashi qiimihiisu gaadhayo 1.4 milyan oo doolar.

Fargashiga ayaa looga gol lahaa in Madaxweynuhu xaaskiisa hadiyad uu uga dhigo sanad guurada 20-aad ee guurkooda ka soo wareegtay. Kuwaas oo is guursaday bisihii August ee sanadkii1996-kii,

Grace Mugabe ayaa fargashiga ka dalbatay qof dahabka iibiya iyadoo loo maray nin ganacsade ah, waxaa kaloo wararku leeyihiin waxaa dacwadda qayb ka ah mid ka mid ah wiilasheeda oo lagu magacaabo Russell Goreraza iyo waardiyaheeda.

Qorshihii Fargashiga loogu keeni lahaa Grace Mugabe ayaa dhicisoobay ka dib markii qofkii ka soo qaadi lahaa magaalada Dubai uu diiday in uu qaado, waxaase xaaladda sii adkeeyey markii qofkii laga soo iibinayey uu diiday in lacagta uu celiyo si dhamaystiran balse uu lacagta dib u celinayo si qayb qay ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post