X
    Categories: Warar

Haweenay Suxufiyad Ah Oo Lagu Khaarajiyay Muqdisho

Marxuumad Hindiya Xaaji Mohamed

Mogadishu(ANN)Hindiya Xaaji Mohamed oo ka tirsaneyd Radio Mogadishu iyo Televisionka dawlada Soomaaliya, ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaadhay qarax ka dhashay qalab loogu xidhay baabuurkeedii.

Qaraxu wuxuu dhacay iyadoo baabuurka ay Hindiya saarnayd uu marayay meel u dhow safaaradda Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho oo ah goobaha sida weyn loo ilaaliyo amaankooda, kuwaas oo inta baddan weeraro sidan oo kale ah ka dhacaan.

Lama sheegin cida mas’uulka ka ah qaraxa sababay dhimashada marxuumadaa Hindiya, balse xarakada al-Shabaab, ayaa weeraro qaraxyo iyo toogasho ahba ka fuliya magaalada Muqdisho.

Weerarada sidan oo kale ah, ayaa inta baddan lala beegsadaa masuuliyiinta dawlada Somalia, saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo hawlwadeenada hay’addaha qaramada Midoobay, waxaana weeraradaa inta baddan fuliya xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jira dawlada Somalia iyo ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM, balse ma jiraan cid loo qabto weeraradaa oo kooxaha fuliyaa ku guulaystaan inata badan inay baxsadaan.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post