X
    Categories: Warar

Haweenay Muslin Ah Oo Wasiir Ka Noqotay Dalka Swedan Oo Xilkeedii Ku Weyday Fadeexad Soo Waajahday Markii Ay Sakhraantay

Araweelo News Network

Aida Hadzialic

Copenhagen(ANN)Haweenay Muslin ah oo ahayd Wasiirka ugu da’da yar dowladda Swedan, ayaa shaqada isaga tagtay kadib markii ay Boolisku qabteen, iyadoo cabsan Khamri, isla markaana wadata gaadhigeeda.

Haweenaydan oo magaceedu yahay Mss. Aida Hadzialic, oo 29 jir ah, waxay ahayd wasiirka waxbarashadda sare ee Xukuumadda Swedan, iyadoo ka tirsanayd Xisbiga Midig dhexe ee dowladda dalkaasi, balse waxay xilka iska casishay. Kaddib markii ay waajahday fadeexad ee ay Boolisku qabteen, iyadoo sikhraansan oo wadata gaadhigeeda buundada isku xidha dalalka Denmark iyo Sweden.

Mss. Aida Hadzialic, waxayna dhacdadan ku tilmaantay “khaladkii ugu weynaa ay noolasheeda gasho” Mar ay sharaxaysay khaladka ay gashay, waxay qiratay in ay cabtay laba koob oo khamri ah kaddib markii ay tagtay baar ku yaal magaalada Copenhagen, iyadoo laba saac kaddibna ay u sii anbabaxday magaalada Malmo ee ku taal koonurta Sweden, balse waxay ku dooday in ay u heystay in jidhkeeda uu wakhtigaas ka baxayo khamrigu.
Mar ay ka hadleysa go’aanka ay qaadatay oo ah in ay shaqada isaga tagto, waxa ay saxaafada u sheegtay, in ay doorbiday in talaabadan ay qaado, iyadoo sabab uga dhigtay in ay aaminsatahay in khaladkii ay sameysay uu ahaa mid weyn.

Hadzialic, ayaa tagtay dalka Sweden iyada oo 5 jir ah. Kaddib markii Qoyskeeda ka tageen Dalka Bosnia-Hercegovina, waxayna nasiib u yeelatay inay noqotay wasiirkii ugu horeeyayay ee Muslim ah oo xil ka qabta dalka Sweden.

Haweenaydaa laga yaabaa in lagu xukumo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii booliska ay baadheen khamriga ku jira jirkeeda oo ay sheegeen in uu dhan yahay 0.2 oo ah cabirka qaabka lagu ogaado qiyaasta khamriga ee ku jira jidhka qofka.

Dalka Sweden ayaa ka mid ah dallal dhowr ah oo Yurub ka tirsan oo xadiday khamriga ay isticmaalaan darawalada marka ay gaadiidka wadaan, balse Haweenaydan oo ka tirsanayd Bulshada Muslinka ee ku nool dalkaa, isla markaana noqotay Haweenaydii u horaysay ee muslin ah oo xilka qabata, ayaa lagu tilmaami jiray mid dhaqanka Islaamka ee suuban baalmarsan, waxayna isticmaashay Khamriga oo Diinta Islaamku mamnuuday, taas oo ceeb ku ah Bulshada Muslinka ee ku dhaqan dalkaa,

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post