X

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Ukraine Oo Sheegtay In Putin Aan Loo Adeegsan karin  Denbiile Dagaal

Araweelo News Network.

Ky iv(ANN)- Duulaanka Ruushku ku hayo dalka Ukrain, ayaa galay 104, maalmood, wuxuuna sababay dagaalka Ukraine in dunidu waajahdo maceeshada iyo shidaalka si weyn ugu kacay sicir-barar hadheeyay aduunka.

Dagaalka oo weli socda, wuxuu aduunku la daalaa dhacayaa dhibaato dhinaca cuntada ah oo sii kordhaysa, madaxweynaha Ruushka Putin ayaa ka aamusay cunno yarida, wuxuuna eedayn dusha uga tuuray dalalka reer galbeedka.

Masiibada cunno yarida ayuu Putin sabab uga dhigay siyaasada dalalka reer galbeedka, balse saacadihii u danbeeyay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov  ayaa sheegay in ay aqbaleen in cuntada laga raro dekeddaha ay ku xanibnayd.

Dhinaca kale,  Haweenayda lagu magcaabo Liubov Tsybulska, oo ah la taliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine oo lagu waraysatay barnaamijka “Aagga isku dhaca” oo ah  toddobaadle lagu gorfeeyo siyaasada, isla markaana ka baxa Telefishanka Deutsche Welle (DW) ee laga leeyahay dalka Jarmalka, ayaa sheegtay in ay khalad tahay marka laga hadlayo anshaxa dublamaasiyada in Madaxweyne Putin loo adeegsado ereyga denbiile dagaal.

 “Ma aha marka laga hadlayo dublamaasiyada in lagu sheego Putin dambiilaha dagaalka,” ayay tidhi, Liubov Tsybulska, oo ah la taliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine.

Tsybulska, waxay sheegtay in dawladda Ukraine ay dhankeeda ka cadhooday digniintii madaxweyne Macron ee ahayd in aan la “haleelin” Ruushka iyo taleefoonka uu la yeeshay Vladimir Putin, iyadoo Madaxweyne Putin bahdilaad ku sameeyay madaxda Yurub iyo kuwo kaleba intii dagaalku socday.

Waxay ku dooday inkasta oo ciidamada Ruushku ay ku sugan yihiin guddaha Ukraine oo ay weli ka wadaan dagaal aannay taasi meesha ka saarayn waxa ay wadaagaan labada shacab ee Ukraine iyo Riushku.

“Ka dib wax kasta oo ay ciidamada Ruushku ka sameeyeen Ukraine, ka fogaanshaha ceebaynta Putin maaha ikhtiyaar.” Ayay tidhi.

Mar la weydiiyay rajada ay ka qabto heshiis laga gaadho colaadda, waxay sheegtay in heshiisku imanayo marka ay ciidamada Ruushku ku laabtaan halkii ay joogeen 24 feurwary 2022, ka hor intii aannu dagaalku bilaabmin.

Liubov Tsybulska, oo ka jawaabaysay in ay suurtagal tahay sida ay Ukraine usii wadi karto inay ku kalsoonaato taageerada galbeedka iyo in ay ka baqayso in heshiis la sameeyo xagga danbe, waxay sheegtay in Ukraine ay si weyn ugu kalsoontahay taageerada reer galbeedka iyo kuwo kale ee garab taagan. Sidaa awgeed aannay jirin wax wer-wer ah oo ay ka qabtaa taageerada dalalka xulufada galbeedka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post