X
    Categories: Warar

Haweenay Ka Mid Ah Baarlamaanka Uk Oo Ka Hadashay Xaaladda Abaarta Somaliland

Araweelo News Network

London(ANN) Haweenayda Xildhibaanka ah ee Rushnara Ali oo kamid ah Baarlamanka UK, ayaa ka hadashay xaaladda Abaarta Somaliland, waxayna shir jiraa’id oo uu goob joog ka ahaa Safiirka Somaliland ee UK Amb Cali Adan Cawaale ku qabatay xafiiska xisbiga shaqaalaha ee Bethnal Green, xaafadda Towerhamplets, iyadoo ku baaqday in macaawimo degdeg ah lala gaadho dadka ay saamaysay abaarta ku habsatay Somaliland.

Xildhibaanadda oo daliishanaysa qoraalllo kala duwan oo ka soo baxay Somaliland iyo ururro caalami ah ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la caawiyo dadka abaarta ba’ani ku habsatey gobollada Sool, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo meelaha kale ee abaartu ka jirto Jamhuuriyada Somaliland.

Xildhibaan Rushnara Ali waxay ballan qaadday iney door weyn ka qaadan doonto xooggana saari doonto sidii ay u gaadhsiin lahayd baaq haya’daha kala duwan ee UK oo dhan, kana codsan doonto kaalmo degdega oo la gaadhsiiyo gobolladaa ay abaartu ku habsatay. waxay kale oo ay sheegtay in ay arrintan si gaara ugala hadli doonto wasiirka haya’dda mucaawimada caalmiga ah ee UK (DFID). http://www.rushanaraali.org

Waxa shirka isna ka soo qayb galay, Mayor ku xigeenka degmeda Towerhamplets oo ballan qaaday inu ka hawl geli doono sidii degmeda Towerhamplets qayb libaax uga qaadan lahayd hawsha taakulaynta abaaraha ka jira Somaliland oo ay degaan dad aad u badan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Safiirka Somaliland ee UK Amb. Cali Adan Cawaale oo halkaa ka sheegay baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u diray bulshada caalamka, ugu qaybiyey nuqullo baaqa ah ururradii shirka ka soo qayb galay ayaa ka codsaday deeq bixiyeyaasha iyo dadkii goobta ku sugnaa inay dhakhso ugu gurmedaan walaalahooda abaarta la dhibaataysan.

Waxa madasha ku sugnaa xubno reer Somaliland ah oo ka warramay dedaalka ay ugu jiraan gergaarka walaalahood iyo dad door ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Bengali-ga oo muujiyey sida ay ugu diyaar yihiin ka qayb qaadashada sabata bixinta dadka abaaruhu ku habsadeen.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan UK Amb. Cali Adan Cawaale ayaa hadalka soo xidhay isagoo ku celceliyey gergaarka looga baahan yahay gobolladaa abaarta laxaadka lihi ku habsatay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin una mahad celiyey madaxda iyo deeq bixiyaasha ka soo qayb galay shirka.

Allaa Mahad leh.

Somaliland UK Mission

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post