X
    Categories: Warar

Haweenay Dumar Gaadhaya 700 U Samaysay Uur Been Ah Oo La Xidhay

Araweelo News Network

Conakry(ANN)-Booliiska dalka Guinea-Bissau ee galbeedka Afrika, ayaa xabsiga u taxaabay Haweenay la sheegay in ay dawo dhireed siisey boqolaal Haween  ah, iyada oo u balan qaaday in ay Uur qaadi doonaan haddii ay cunnaan dhirtaa.

Dawo dhireedkan ayaa haweenka u yeeshay astaamaha uurka, sida mantag, iyo calool kuusan, balse wax ka badan muddo 12 bilood ah ma jiraan wax caruur ah oo ay dhaleen iyo ilmo calooshooda ku jira.

 

Haweenayda dhirtaa siisay ee Boolisku xidheen oo lagu magacaabo N’na Fanta Camara ayaa la sheegay in ay qof kasta ka qaadaysay lacag dhan $33 doolar oo ah lacag aad u badan marka loo eego dskhliga dadka dalkaas oo bishii ku shaqeeya mushaar dhan $48 doolar.

Booliiska waxa ay aaminsanyihiin in ganacsiga noocaa ah ay ka samaysay lacag kumanaan doolar ah.

Maalintii talaadada illaa 200 dumar ah ayaa banaanbax ka hor dhigey saldhigga booliiska ee magaalada caasimadda ah ee Conakry, halkaas oo haweenaydaa Mrs Fanta ay ku xidhnayd.

Illaa 700 dumar ah oo da’doodu u dhaxayso 17 jir illaa 45 ayaa la rumeysanyahay in ay arrintan ku samaysay, kuwaas oo yeeshay Uur been ah.

Arrintan ayaa waxa ay muujinaysaa in wali dadka Afrikaanka ah ay ku tiirsanyihiin dawada dhaqanka iyo dadka wax sanceeya. Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 80% dadka Afrika ay ku tiirsanyihiin dawo dhireedka.

“Sanad ayaa laga joogaa illaa markii aan islaantan u tagnay, markii koowaad waxa ay na siisay caleemo iyo waxyaabo kale oo mantag naga keenay, muddo kadib caloosha ayaa na weynaatay” ayay tidhi mid ka mid ah dumarkii banaanbaxay oo la hadlaysay wariyaha BBC-da Cali Silaax.

Mrs. Fanta ayaa dumarka sidoo kale ka qaadatay digaag iyo waxyaabo kale oo dheeraad ah oo ay hawsheeda ku xidhay.

Dhakhaatiir baadhitaan ku sameeyay dumarkan ayaa sheegay in halis badan oo waqti dheer ah ay kala kulmi doonaan dawadan ay qaateen.
Haweenaydan ayaa lasoo taagi doonaa maxkamad, waxaana lagu soo oogey dacwad ah in ay halis galisay nafta dad badan, balse iyada waxa ay sheegeysaa in aanay wax dambi geysanin, islamarkaasna ay caawineysay dumarkan.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post