X
    Categories: Warar

Hargeysa: Xarunta Dhaqanka Oo Qabatay Dood Ku Saabsan Somaliland Iyo Soomaaliya


Hargeysa(ANN)-Maalintii lagu dhawaaqay gooni-isu-taagga iyo dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland 18-kii May 1991-kii oo sannadkasta si weyn looga xusi jiray dalka iyo waddamada dibedda ee ay Dadka reer Somaliland ku nool yihiin, ayaa 18-ka may ee sannadkan 2020-ka oo ku buuxda 29-guurada Madax-bannaanida qarankan.


Covid19 ee Dunida saameeyey awgii, taas oo Dadku bedi guryohooda ku dabbaal-degayeen, Madaxweynaha Somaliland-na Khudbad toos ah oo uu Warbaahinta mariyey kula hadlay Dadweynihiisa, Dowladda Soomaaliya iyo aalamkaba.

Haddaba, Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, ayaa qabatay Barnaamij toos looga daawanayey Shabakadda Faysboog, kaas oo xus iyo baraarujinta sidii ay ku timi 18-ka May, isla markaana ay dood ku wadaajiyeen Khadka Facebook xubno kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Axmed Xasan Cali Casoowe oo hore xilal Wasiir kasoo qabtay Somaliland, xilligana ka mid ah hormuudka Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood, Dr. Maxamuud Xasan Taani oo ka mid ahaa Xubnihii UFO ee bilaabay halgankii gudaha ee Dhagax-tuurka Hargeysa 1982-kii, Ruqiya Cali Faarax oo Guddoomiye ka ah mid ka mid ah Ururrada Reer Somaliland iyo Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

Barnaamijka oo uu daaddihinayay Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Iid Xasan Aw Muuse, waxay Xubnaha ka qaybgalay kaga faalloodeen halgankii ay Somaliland u soo gashay xornimadii ay Ingiriiska ka qaadatay 26-kii June 1960-kii, siduu ku bilaabmay, sidii ay u ku timi midnimadii Somaliland iyo Soomaalidii Talyaaniga ka xoroowday 1-dii June isla 1960kii, wixii midnimada kaga lumay Somaliland, halgankii dambe ee la soo noqdashada madax-bannaanida ee Somaliland dagaal qadhaadh oo Ururkii SNM la galay Dowladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya ka dib, sidii 18-kii May 1991-kii oo Burco loogaga dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland, iyadoo Isniinta 18-ka May 2020-ka 29 jirsatay, waxa u qabsoomay muddadaas, waxa ka dhiman, halka hadda la marayo iyo halka loo socdo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post