X

Hargeysa: Wasiir Kayd Oo Ka Jawaabay Qoraal Wasiirka Maaliyadda Djibouti Ku Xaqiray Qaranimada Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Keyd , Image Araweelo News Network, 27 Feb 2022.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Ciise Kayd, ayaa jawaab ka bixiyay qoraal gef ku ah qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland oo wasiirka Maaliyadda Djibouti ku qoray bartiisa Twitter.

Wasiirka Maaliyadda ee Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaale oo hoggaaminayay wefdi ka socday dalka Djibouti oo Somaliland u yimi gurmadka masiibadii suuqa ganacsiga ugu weynaa Somaliland ee Waaheen, ayaaa qoraalka uu dhigay bartiisa Twitter ku sheegay in saddex wasiir Maaliyadeed oo ah Djibouti, Ethiopia iyo Soomaaliya ay ka wada shaqaynayaan sidii muwaacimo deg-deg ah loogu raadin lahaa dib u dhiska iyo xoolaynta dadkii hantidooda ku waayay suuqa Waaheen.

Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in Somaliland mar horeba la xidiidhay cid kasta oo gacan ka geysan karta aafada suuqa Waaheen, sidaa awgeed aannay hawshaasi ahayn mid looga baahanyahay wasiirrada.

Dr. Ciise Kayd ayaa arrintaa ku macneeyay mid wasiirrada is xil qaamay looga baahanyahay in ay ixtiramaan madaxbannanida iyo dawladnimada Somaliland.

Weedhaha Wasiirka Maaliyadda Djibouti, ayuu Dr, Ciise Kayd ku booriyay in aannay qaadhaan u raadin karin Somaliland ee loo daayo hawlaheeda.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post