X
    Categories: Warar

Hargeysa: WADDANI oo Deeq Raashin ah u Qaybiyey 140 Qoys Danyar ah

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa deeq raashin ah gaadhsiiyey 140 qoys oo ka mid ah bulshada danyarta ah ee ku dhaqan caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, taasoo qayb ka ah barnaamijka la yidhaa ‘La afur WADDANI.’
Xaflad kooban oo loo qabtay qaybinta raashinka la siiyey dadka danyarta ah shalay, waxa goob-joog ka ahaa guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed, madaxa barnaamijkan La’Afur WADDANI, Layla Qulumbe, Xoghayaha Dalxiiska Md.Mubaarik Cabdi Xasan, mas’uuliyiin kale.
Marwo Layla Qulumbe oo ah madaxa barnaamijka LA’ AFUR WADDANI oo ugu horreyn halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in ay si aad ah ugu faraxsan tahay bixinta deeqdan raashinka ah, waxayna tilmaantay in deeqdan raashinka ah soo bixiyeen taageerayaasha xisbiga WADDANI ee qurbaha, iyada oo carrabka ku dhufatay inay mar walba ka go’an tahay caawinta bulshada saboolka ah ee reer Somaliland.
Qaar ka mid ah dadka danyarta ah ee la guddoonsiiyey deeqda raashinka ah, ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay kaalmada xisbiga WADDANI u qaybiyey xilli ay baahi badan u qabeen, waxayna xisbiga ugu duceeyeen in Ilaahay wax khayr leh ugu beddelo.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed oo deeqdaraashinka ah guddoonsiiyey danyarta, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay farxad xoog ah u tahay in deeqdan guddoonsiiyaan dadkaas, isagoo tilmaamay in deeqdu tahay tabarucaadkii labaad ee khayriga ah ee xisbigoodu bisha Ramadaan kaga qeyb-qaadanaayo afurinta dadka danyarta ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post