X
    Categories: Warar

Hargeysa Oo Ku Waaberiisatay Boqolaal Ciidanka Amaanka Ah Oo Wadooyinka La Dhoobay

Araweelo News Network

Muuqaalka Cutub ka mid ah Booliska Somalialnd ee rabashadaha ka hortaga Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Wadooyinka Magalada Caasimada ee Hargeysa, ayaa saaka waaberigii lasoo Dhoobay boqolaal ciidanka Amaanka ah oo ay Weheliyaan ciidanka wadooyinku.

Sidoo kale Wadooyinka qaar, ayaa la dhigay ciidanka RRU-da oo ku gaashaaman hubkooda, waxayna Ciidamadda Wadooyinka la dhigay bilaabeen saaka hawlgal Bacaha muraayadaha Baabuurta Raxaada Lagu dhejiyo lagaga goynayo, taas oo ah Olole Maalmihii Danbeeyay Socday.

Haseyeeshee waxa jiray cabsi kale oo Laga baqayo mudahaaraad ka dhan ah qiimaha dollarka ee cirka isku shareeray tan Iyo dhamaadkii Sannadkii hore, kaasoo sababay in qiimaha Shilinka Somaliland si weyn hoos ugu dhaco oo qiima dhac intaa leeg ku yimaado, iyadoo qiimaha halka dollar kor u dhaafay 9000 iyo dheeraad, Isla markaana sababay in maceeshadu kor u kacdo.

Dhinaca kale ganacsada Hiliblayaasha, kuwa Khudrada Iyo ganacsada kale oo kulamo ka Yeeshay Arrimahaa xalay ku Heshiiyay in gebi ahaanba la Joojiyo dhaqdhaaqa ganacsiga, balse Xukuumadda Somaliland ayaa xalay dhexgashay si ay u baajiso in la Joojiyo maanta oo Khmaiis ah adeegyada ganacsiga.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post