X
    Categories: Warar

Hargeysa: Munaasibad Layskaga Dhaxalay Saldanad Oo Loogu Caana-shubay Suldaan Cusub

lt, Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud Xandull Image Araweelo News Network 22 November 2020.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Munaasibad si weyn loo agaasimay, ayaa loogu cummaamaday Suldaan  Jibriil Suldaan Maxamed Xandule , kaddib markii todobaadkan ku geeriyooday Magaalada Hargeysa Allah haw naxariistee Aabihii oo hayay xilkaa Saldanada.

Madasha caleemo saarka Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud Xandull Image Araweelo News Network 22 November 2020.

Madalsha lagu caleemo saaray Suldaanka ka dhaxlay Aabihii Saldanada ayaa sidoo kale loogu duceeyay Allah ha u naxariistee Marxuum Suldaan Maxamed Maxamuud Xandulle, taas oo maanta lagu qabtay Hotel Green Plaza ee Magaalada Hargeysa oo ah ka ugu casrisan marka la qabanyo xafladaha sidan oo kale ee waaweyn.

Alt, Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud Xandull Image Araweelo News Network 22 November 2020.

Sidoo kale, waxaa munaasibadda lagu shaaciyay in Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed Maxamuud loo cumaamaday inuu buuxiuo booskii saldannada ee aabihii ka geeriyooday.

Madasha waxaa goojoog ka ahaa Boqorro, Salaadiin, Chief Caaqillo, siyaasiyiin, aqoonyahan, dhallinyaro iyo xildhibaanno tiro badan.

Dhammaan haldoorkii iyo madaxdhaqameedkii madashaa ka hadlay waxay ka markhaati kaceen doorkii hoggaamineed iyo hal-adayg ee Suldaan Indhcase, waxaanay ilaahay uga barteen inuu nacatiistii jano ka waraabiyo.

Waxay sidoo kale, Suldaan Jibriil Suldaan Maxamed ilaahay uga baryeen inuu ku asturo xilka culus ee fuulay.

Halkan Ka Daawo munaasibada.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post