X
    Categories: Warar

Hargeysa: Munaasibad Lagu Xusay Sh. Cabduqaadir Jaylaani

Hargeysa(ANN)-Munaasibad si weyn loo abaabulay oo loo qorsheeyay xuska Raxiimullaah Sheekh Cabdiqaadir Jaylaani oo ka mid ahaa Culimada waaweyn ee Islaamka, ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana kasoo qaybgalay Masuuliyiin Golayaasha Dowladda Somaliland ka socda, Culimada qaadiriya haldoorkooda iyo Mudan iyo Marti-sharaf kale.

Munaasibada xuska jaylaani


Munaasibada xuska Sheekh Cabdiqaadir Jaylaani oo lagu qabtay Huteel Crown ee magaalada Hargeysa, waxa soo qaban-qaabiyeen Culimada Xerta Sheekh Maxamed Rabiic ee Qaaddiriyada, waxaana Culimadu ka sheekeeyeen Taariikhdii Sheekh Jaylaani iyo halgankii uu usoo galay fidinta Diinta Islaamka mudadii uu noolaa.

Munaasibada xuska jaylaani

Sheekh Xasan Sheekh Cali Badri oo furitaanka munaasbada ka halday, ayaa ka warramay taariikhda iyo sooyaalka Sheekha Allah haw naxariistee, wuxuuna isagoo ka hadlaya taariikhda uu lahaa yidhi; “Sheekh Cabdiqaadir waa ka fadligiisu ku faafay carab iyo cajab oo dhan iyo muslimiinta oo dhan. Sheekh Cabdulqaadir lagama yaqaaano dhulka muslimiinta oo keliya laakiin dacallada dunida oo dhan baa laga yaaaan”. Sidaa ayuu yidhi sheekh Xasan. Waxaanu intaa ku ladhay ” sheekhu waxa uu ku dhashay tuullo Ciraaq ku taalla oo Jaylaaniya la yidhaahdo. Waxaanu ku xijaabtay Baqdaad oo immikana ah xarunta ugu weyn ee lagu siyaarto.”.

Munaasibada xuska jaylaani

Dhinacooda waxaa iyaguna si mugle uga sheekeeyey taariikhda iyo sifaadka sheekh Jaylaani, Xil. Cabdi Muxumed Caateeye, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isagu soo xidhay xuska munaasibada siyaaradda Sheekh Cabdilqaadir Jiaylaani.

Munaasibada xuska jaylaani

“Waxa uu ahaa caalim weyn oo dunida oo dhan laga yaqaanno, aqoontiisana waxa u xaadiri jiray dad lagu qiyaasay 72 kun oo qof isaga oo aan mikirifoonka aynu hadda adeegsanaa aanu jirin ayuu dadka intaas leeg ballaaqadiisu gaadhi jirtay, taasina waxa ay ka mid ahayd karaamooyinkiisii” sidaa ayuu yidhi xil. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post