X
    Categories: Warar

Hargeysa: Maxkamad Amar ka soo Saartay Garoon Dacwadiisu u Dhexayso Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xildhibaan Dogox

Araweelo News Network

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa (ANN)Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), ayaa amar xayiraad ah ka soo saartay dhul garoon ah oo dacwadiisu u dhexayso Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland iyo Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogox) oo ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa.
Qoraal uu ku saxeexan yahay garsoore ka Tirsan Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ku taariikhaysan 27 April 2016 (shalay), nuqul ka mid ahna soo gaadhay wargeyska Jamhuuriya xalay, waxa lagu xayiray garoon ciyaareed oo ku yaal xaafadda Masalaha ee degmada Axmed-dhagax ee Hargeysa.

Amarka maxkamadda ka soo baxay oo lagu socodsiiyey Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Axmed-dhagax, lana ogaysiiyey Maayirka Hargeysa, waxa uu u qornaa sidan;
“Maxkamadda Gobolka Hargeysa.
Markay aragtay: Gal-dacwadeedka fulinta ah ee summaddiisa MGH/DFL/61/2016, dhinacyadiisuna kala yihiin – dacwooto Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, wakiil u yahay xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka, dacwaysane Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogox);
Markay aragtay: Arjiga codsiga xayiraadda ah ee ku taariikhaysan 27/03/2016, una soo qorteen maxkamadda labada qareen eek a tirsan xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. codsigan oo ujeeddadiisu tahay xayiraad garoon ay leedahay Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, nuxur ahaana isagoo faahfaahsan codsigu waa sidan ‘Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Qaranku waxa uu halkan maxkamadda sharafta leh ugu soo gudbinayaa codsiga xayiraadda Garoonka, waana sidan, annagoo ka duulayna qodobka 294, 295 XHM waxaannu maxkamadda ka codsanaynaa in naloo xayiro garoonka ay leedahay Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska oo ku yaal Masallaha, beerta ilma Qoryo Lacag ee degmada Axmed Dhagax, gaar ahaan xaafadda Masallaha, cabbirkiisuna waa 111X90MT, jihooyinkiisuna kala yihiin Bari – waddo, Galbeed – waddo, Waqooyi – waddo, Koonfur –waddo.
Iyadoo dacwaysanuhu doonayo inuu si qarsoodi ah ku dhiso garoonka dacwaddiisu socoto.
Sidaas darteed, waxaannu maxkamadda sharafta leh ka codsanaysaa inay noo xayirto garoonka inta dacwaddu socoto iyo inay maxkamaddu ku amarto dacwaysanaha inuu ka raro dhagaxa iyo ciidda uu dhigay garoonka.’
Markay aragtay: dacwadda ka dhaxaysa labada dhinaca ee dacwooto Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska iyo dacwaysane Saleebaan Daahir Cabdillaahi, kuna saabsan muran ku saabsan lahaanshaha garoonka sifihiisu sare ku xusan yihiin.
Haddaba, iyadoo maxkamaddu cuskanaysa qodobka sharci 293, 294, 295 XHC waxay soo saartay xayiraaddan:
1. Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, Hargeysa laga bilaabo isla maanta oo taariikhdu tahay 27/04/2016 waxay xayiraysaa garoonka cabbirkiisu yahay 111X90MT, kuna yaal degmada Axmed Dhagax, gaar ahaan xaafadda Masallaha, beerta ilma Qoryo Lacag, jihooyinkiisuna kala yihiin Bari, Galbeed, Koonfur iyo Waqooyi dhammaan waddo.
Haddaba, garoonkaas lama iibin karo, lama rahmi karo, lama hibayn karo, lama dhisi karo, sifo kalena looma dhallan rogi karo, loomana isticmaali karo ilaa inta amar dambe ka soo baxayo maxkamadda, sidaas darteed waxa la farayaa masuuliyiinta amarkani sida tooska ah ugu socdo inay dhaqangaliyaan amarkan.
2. Amarkan xayiraadda ah wuxuu soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 27/04/2016.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post