X
    Categories: Warar

Hargeysa: Madaarka Oo Lagu Qabtay Qaad la Doonayey in Sifo Sharci-darro ah Looga Dhoofiyo

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Maamulaha Guud ee Madaarka Caalamiga ah ee Caasimadda Hargeysa Mr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa ka xog-warramay qaad la doonayey in sifo sharci-darro ah looga dhoofiyo madaarka.
Maamule Maxamed Yuusuf oo qoraal iyo sawirro ku faafiyey cinwaanka uu ku leeyahay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook shalay, waxa uu sheegay in shaqaalaha ammaanku qabteen caleemaha qaadka oo la yaryareeyey, laguna dhex qariyey badeecado kala duwan.
“Waxaannu halkan ku soo bandhigaynaa alaab ay qabteen hawlwadeenada ammaanka ee Madaarku, taas oo la doonayey in sifo sharci-darro ah lagaga dhoofiyo Madaarka Hargeysa, loona dhoofinayey waddamo qaadku mamnuuc ka yahay. Waa baco muuqaalka guud laga dhigay khanshar, xagga hoosena caleentii qaadka iyo qaar laga dhigay muqaalka guud hadhuudka garawga, xagga hoosena caleentii qaadka, qaarba iyana laga dhigay muqaalka guud ee geed adari, iyadoo xagga hoosena lagu dhex qariyey caleentii qaadka. Waxa kale oo lagu soo cabbeeyay qardaasyo shaaha madaw iyo kuwa xinnaha ah,” ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Hargeysa.
“Waxaa sitay qof socdaal ah oo ka dhoofayey Madaarka Cigaal International Airport, waxaannu dadweynaha reer Somaliland iyo mushtamaca kale ee caalamkaba u sheegaynaa in tab iyo xeelad kasta oo lala yimaad si waxyaabaha amma badeecadaha sharci-darrada ah looga dhaafiyo madaarka Hargeysa in aannu haysanno shaqaale iyo mishiimo ku filan oo aan lala dhaafin karin amma laga qarin karin waxyaabaha mamnuuca ah, waxayna shaqaalaha iyo mishiinnada aannu haysanno yihiin qaar qaban kara shaqooyinka loogu talogalay, iyadoo shaqaaluhu ay khibrad iyo waayo-aragnimo ku filan u leeyihiin shaqada ammaanka madaarka Hargeysa.”
Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, ayaa sidoo kale digniin u diray dadka ka dhoofaya madaarka iyo kuwa ka soo degayaba, isagoo xusay in shaqaalahoodu feejignaan dheeraad ah u leeyihiin waxyaabaha laga dhoofiyo amma laga soo dejiyo garoonka diyaaradaha.
“Dadka Madaarka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya waxaannu iyagana uga digaynaa in ay ka waantoobaan waxyaabaha sharci-darrada ah oo khatar gelin kara iyaga laftooda iyo socdaalkoodaba,” ayuu yidhi Maamule Maxamed Yuusuf.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post