#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa {ANN)-Koox ka socota Hay’adda khayriga ah ee Kafaalo Foundation, ayaa kulan casuumad sharafeed ah ku maamuustay, isla markaana kusoo dhowaysay Magaalada Hargeysa, samafale  Mohamed Omer Maigag  Samatar (Taag) oo ka mid ah dadka u ololeeya arrimaha khayriga.

Muwaadinka Samafalaha ah oo kasoo jeeda qoys ka mid ugu caansan Bulshada Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, sidoo kalena qoys ahaan kasoo jeeda kuwa caanka ku ah halgankii Somaliland usoo gashay qaranimadeeda.

Waxaana kulanka lagu maamusay ka sokow la gudoonsiiyay  shahoodooyin lagudhiirigelinayo hawlaha samafalka ee uu bulshada u hayo iyo doorkiisa dedaalka, waxaana dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa Sheekh Siicid oo  ka mid ah Culimada Somaliland iyo shaqsiyaad kale, waaxayna Allah uga baryeen SamafaleMohamed Omer Maigag (Taag) incaafimaadkiisii u soo noqdo.

Muuqaalkan ka Daawo.

https://www.facebook.com/share/v/nYrSXsP9bLzAs2ze/?mibextid=sPqcTx