X
    Categories: Warar

Hargeysa: Hawlgal Saacad iyo Badh Qaatay oo Ciidanka Dab-damiska ku Badbaadiyeen Gabadh ku Dhacday Suuli

Araweelo News Network

Gourmadka Loo tidilyay gabadha ku dhacday Suuliga

 

Hargeysa (ANN)- Ciidanka Dab-damiska Caasimadda Hargeysa, ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan gabadh dhallinyaro ah oo ku dhacday suuli amma musqul duhurnimadii , iyadoo hawlgalka gurmadka ahna ka dhacay xaafadda Jameeco Weyn ee Degmada Maxamuud Haybe ee Hargeysa.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay waaxda warbaahinta ee Ciidanka Dab-damiska Somaliland, waxa Ciidanka Dab-damiska lagula soo xidhiidhay lambarka gurmadka degdeg ah ee 990, kuwaasoo isla markiiba gaadhay goobta uu ku yaal suuliga ay gabadhu ku dhacday ee xaafadda Jameeco Weyn, iyagoo si degdeg ah u bilaabay hawlgalka samato-bixinta gabadhasaas.
Dedaalka loo galay sidii gabadha looga soo saari lahaa godka suuliga ah ee ay ku dhacday, waxa hormuud u ahaa Hoggaanka Waaxda Caafimaadka Dr. Maxamuud Xaashi Cali, kuwaasoo adeegsaday qalabka loogu talogalay in dadka lagu badbaadiyo, sida xadhko iyo salaan lagu dhaadhiciyey godka suuliga, kadib markii afka sare laga dumiyey, waxaannu hawlgalkaas badbaadada ah qaatay muddo saacad iyo badh ah.
Waxa lagu guulaystay in gabadha dhallinyarada ah oo caafimaad qabta laga soo saaro musqusha ay gunta ugu dhacday, iyadoo Hoggaanka Waaxda Caafimaadka ee Ciidanka Dab-damiska Dr. Maxamuud Xaashi Cali uu u mahadnaqay saraakiisha ciidankooda ee ku wehelinayey hawlgalka lagu badbaadiyey inanta da’yarta ah, isagoo xusay in xubnaha ciidanku ay muujiyeen hawlkarnimo karti iyo shaqo wanaag ay u guteen waajibaadka ay u hayaan qaranka Somaliland oo aan ku koobnayn oo qudha badbaadinta waxyeelada dabka iyo la-dagaalankiisa, balse ay diyaar u yihiin inay markasta badbaadiyaan dadka muwaadiniinta ah ee dhibaatooyinku la soo dersaan wixii itaalkooda ah, isla markaana la kaashanaya Ilaahay (SWT).
Dhinaca kale, dadweynaha xaafadda Jameeco Weyn ee goobta joogay iyo ehelka gabadha la badbaadiyey, ayaa si xooggan ugu mahadnaqay Ciidanka Dab-damiska Somaliland oo ay Ilaahay (SWT) uga baryeen inuu ka abaalmariyo dedaalka ay u galeen badbaadinta inanta laga soo saaray suuliga amma musqusha.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post