X
    Categories: Warar

Hargeysa: Guddoomiyaha WADDANI oo Kormeer ku Maray Xarumaha Kala Duwan ee Warbaahinta Somaliland

Araweelo News Network

Guddoomiyaha WADDANI Iyo Tafaftiraha Wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)


Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Ana murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa booqasho kedis ah ku maray xarumaha warbaahinta Somaliland ee ku yaal caasimadda Hargeysa xalay.
Guddoomiye Cirro oo booqashadiisa ku beegay maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February oo si weyn looga xusay dalka shalay, waxa uu maray xarumaha warbaahinta ee kala ah; talefiishanka Horn Cable, Saab TV, Kalsan TV, Bulsho TV, Star TV, wargeyska Geeska Afrika, Wargeyska Jamhuuriya, Saxansaxo, Ogaal, Dawan, War-sugan, Wargeyska Waaheen iyo weliba Madbacadda Qaranka, kuwaasoo dhammaantood xarumahoodu ku yaalaan caasimadda Hargeysa.
Guddoomiyaha WADDANI oo Xarunta Wargeyska Jamhuuriya ku beegmay xilli lagu jiro salaadda Cishaa’iga, ayaa halkaas kula tukaday hawlwadeennada iyo shaqaalaha Jamhuuriya, iyadoo markii salaadda la tukadayna ay qaabileen Tifaftiraha Jamhuuriya Mr. Maxamed Cumar Cabdi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Jamhuuriya Media Group Mr. Khaliif Nuux Sheekh.
“Guddoomiye, ku soo dhawoow xarunta Wargeyska Jamhuuriya oo ah wargeyska ugu da’da weyn wargeysyada ka soo baxa dalka Somaliland, aad ayaanan ugu faraxsanahay in aad si kedis ah noogu timaad, waanan kaaga mahadcelinayaa sida aad noo maamuustay, adigana taariikhda ayey kuu gelaysaa. Booqashada loo sii diyaargaroobo amma laga sii war hayo waxa ka fiican, kana soo jiidasho badan booqashada sida kediska ah meel aan lagaa filayn aad ku tagto, sababtoo ah wax badan ayaad ku ogaanaysaa, markaa aad ayaan ugu faraxsanahay, adigana waannu kuu mahadnaqaynaa.” Sidaa waxa yidhi Tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cirro oo murrashaxa Madaxweynaha WADDANI ku soo dhaweeyey xarunta wargeyska.

Guddoomiye Cirro oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kormeerka kediska ah ee uu ku yimmi xarunta Wargeyska Jamhuuriya oo uu ku sifeeyey inuu yahay hooyada saxaafadda Somaliland, isagoo iftiimiyey in safarkiisu la xidhiidho xuska maalinta dhallinyarada Somaliland.
“Booqashadaydu waxa ay la xidhiidhaa xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February oo maanta (shalay) laga xusay Somaliland, markaa maadaama bahda saxaafadda ay ku badan yihiin dhallinyaradu waxaa aan xarumaha kala duwan ee warbaahinta u maray in aan dhiirigeliyo, isla markaana aan ogaado duruufaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan, markaa bahda wargeyska Jamhuuriya waan uga mahadnaqaa sida aad noo soo dhawayseen,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro, waxa xarumaha kale ee saxaafadda ee uu maray si qurux badan ugu qaabilay mas’uuliyiinta, tifaf-tireyaasha iyo weliba weriyeyaasha ee ka hawlgala xarumaha uu maray oo isugu jiray telefiishannada iyo wargeysyada, iyadoo booqashadaas kediska ahayd ay ku noqotay suxufiyiinta uu la kulmay mid aanay hore u filayn oo xambaarsanayd dareen farxadeed, waxayna muujiyeen inay si aad ah ugu faraxsan yihiin booqashada kediska ah ee guddoomiyuhu ugu tegay, taasoo qayb ka ahayd xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February oo dalka laga xusay shalay.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isna dhankiisa halkaas hadalo kooban u jeediyey mas’uuliyiinta iyo weriyeyaasha xarumaha warbaahinta ee uu maray xalay, ayaa sheegay in ujeedada booqashadiisa kormeerka ah qayb ka tahay xuska maalinta dhallinyarada Somaliland, isagoo tilmaamay in uu si aada uga soo war helay xaaladda kala duwan ee ay ku sugan yihiin hay’adaha Warbaahineed iyo weliba sida oo kale duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan suxufiyiintu, waxaannu xusay inuu ku faraxsan yahay safarkiisa kormeerka ah, isagoo rajeeyey in mustaqbalka dhaw wax badan iska beddeli doonaan duruufaha shaqo ee ay la nool yihiin warbaahinta Somaliland.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa noqonaya murrashaxa Madaxweyne oo ka socda xisbi mucaarid ah oo markii u horaysay taariikhda Somaliland booqasho keddis ah ku mara qaybaha kala duwan ee saxaafadda, waana masuulkii labaad ee qaranka ugu sareeya ee kormeer noocan ah sameeya, iyadoo uu ka horeeyey Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sidan oo kale xarumaha warbaahinta u booqday sannadkii 2014, xilligaas oo ku beegnaa xuska maalinta saxaafadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post