X
    Categories: Warar

Hargeysa – Dhacdo Naxdin Leh: Wiil la Xalaalaynayey oo Makiinad Lagu Gooyey Qaybta Hore ee Xubinta Taranka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN) Wiil yar oo magaciisu yahay Maxamed Cabdiqaadir Aadan, ayaa xaalad caafimaad loo dhigay Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, kadib markii nin farsamo-yaqaan ah oo loogu talogalay inuu xalaaleeyo uu si khalad ah u gooyey qayb ka mid ah xubintiisa taranka (cudha hore ee buuryada).
Wiilka yar ee xaaladda naxdinta leh la soo deristay oo hawlwadeenno ka tirsan Jamhuuriya ku booqdeen qaybta gargaarka degdegga ah ee Cusbitaalka Guud ee Hargeysa gelinkii dambe ee shalay, ayaa la sheegay in nin farsamo-yaqaan ah, kuna shaqaysta xirfadda xalaalaynta wiilasha uu ugu tegay gurigooda oo ku yaal xaafadda Sheekh Nuur ee Gacan-libaax subaxnimadii shalay, isagoo halkaas ku xalaaleeyey wiilka dhibku qabsaday iyo wiil kale oo ay walaalo yihiin, balse aan isagu wax dhib ah kala kulmin xallaalayntiisa.
Hooyo Khadra Cismaan Maxamed oo wiilka yar dhashay, isla markaana murugo badan ka muuqatay, ayaa ka xog-warantay dhibaatada naxdinta leh ee qabsatay inanka yar oo da’diisu tahay ilaa shan jir.
“Ninkan farsamo-yaqaanka ah xaafadda ayuu noogu yimmi oo annaga ayaa u yeedhanay, kadib markii ay telefoonkiisa na siiyeen qoys kale oo uu hore carruur ugu xalaaleeyey, markaa waxaannu doonaynay inuu laba wiil noo xalaaleeyo, laakiin labadii wiil mid si aan dhib lahayn ayaa hawshiisa loo dhammeeyey, hase ahaatee inankan kale ayey dhibaato qabsatay oo dhiig badan ka daatay, markii aannu eegnaynayna waxaannu ogaannay in baaradii (cadka yar ee wiillasha laga gooyo) iyo qaybta hore ee buuryadiisuba is raaceen oo ay go’an yihiin,” ayey tidhi hooyo Khadra Cismaan Maxamed oo Waraysi siisay wargeyska Jamhuuriya.

Waxa ay intaas raacisay, “Ninka farsamo-yaqaanka ah wuxuu carruurta ku xalaaleeyey makiinad uu sitay, waxaannu laba wiil naga qaatay lacag dhan 100,000 SLSH (boqol kun oo shillinka Somaliland ah) oo wiilkiiba wuxuu ku xalaaleeyey 50,000 SLSH (konton kun oo Somaliland shillin ah), markaa dhibaato ayaa hadda na haysata, qaybta gargaarka degdegga ah ee cusbitaalka ayaana la dhigay inanka yar oo la doonayaa in xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalo, haddii Ilaahay yidhaa, laakiin aad ayuu dhibaataysan yahay wiilka yar.”
Hooyo Khadra, waxa ay sheegtay inay yihiin qoys danyar ah oo aan dhaqaale haysan, taasina ku kelliftay inay gurigooda dhexdiisa ku xalaaleeyaan wiilasheeda, kadib markii ay waayeen dhaqaale ay ku geeyaan cusbitaal amma goob caafimaad, iyadoo tilmaantay in aanay jirin cid ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha ammaanka oo ka xog-waraystay dhibka ku dhacay wiilka yar si tallaabo looga qaado ninka farsamo-yaqaanka ah ee sameeyey falkaas naxdinta leh.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post