X
    Categories: Warar

Hargeysa: Dhacdo Ficilkeedu Ka Cadhaysiiyay Bulshada

Araweelo News Network

Muuqaalka Booyada oo la xidhay

Hargeysa(ANN)Dhacdadan fajicisada noqotay ayaa ka dhacday Xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Hargeysa gaar ahaan kuwa ugu bilicsan uguna casriyeysan ee muhiimka ah, taas oo ah xaafada Masalaha kadib markii xaajo ugub ah lagu arkay xalay goor habeennimo ah
Taas oo mar kaliya uun lagu war helay booyad kuwa bulaacadaha qaada ah oo wasakh ku qubeysa guri ku yaala aagaasi waxaana loo adkeysan kari waayay urka qudhmuun ee ay booyadu ku shubeysay gurigaasi iyada oo ay goobtaasi ka dhawaayeen masuuliyiin ka tirsan qaranka Somaliland halkaas oo ay kula kulmeen baabuurkii booyada ahaa ee qudhunka ku shubayay meeshaasi waxa ayna weydiiyeen markii ay gaadheen goobta sababta ku kaliftay inay meel la dagan yahay ku shubaan wasakhda iyaga oo ugu jawaab celiyay in ay fasax ka heleen dadkii lahaa guriga ay wasakhda ku shubayeen islamarkaana ay muddo saddax bilood qiyaastii ah ay ku soo shubayeen meesha qudhunka ay bulaacadaha kasoo qaadaan.
Intaasi kadib waxaa ay masuuliyiintaasi la hadleen saldhigii booliska ee ugu dhawaa goobta waxa ayna ku wargaliyeen falka foosha xun ee ay ku kaceen nimanka watay booyadaasi iyagoo u sheegay in ay baadhaan danbigaas booyada iyo ragii watayna la qabto

Amuurtaasi ayaa maanta ahayd mid aad looga hadal hayay goobaha ay dadku ku kulmaan ee magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafadii ay arrintani ka dhacday
Si kastaba ha ahaatee waxaa aad looga yaaban yahay sababta nimankaasi ku kaliftay in ay ka shaqeeyaan caafimaad darrada intaas le’eg iyo halista fayadhowr ee ay keeni karto. Waxaa la filayaa in ay dadka ku lugta leh falkani ay waajahaan sharciga tallaabana laga qaado iyada oo ay dareen cadho leh ka muujiyeen dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi
Wariyayaal ka tirsan saxaafada madaxa banana oo saaka soo booqday goobta falkani ka dhacay ayaa la kulmay saraakiisha bileyska ee saldhiga masalaha waxa ayna u xaqiijiyeen in uu falkani xalay dhacay islamarkaana ay baadhayaan gacantana ku hayaan darawalkii iyo baabuurkii dambiga lagusoo qabtayna ay xidhan yihiin

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in booyada wasakhda siday uu leeyahay hotel caan ah oo ka mid ah hoteelada magaalada Hargeysa wasakhdana ay halkaa ka soo qaadi jirtay taas oo dhaawac weyn u gaysan doonta haddii uu danbigaasi ku caddaado
Xubno ka tirsan dadweynaha deegaanka oo aad u cadheysan ayaa ii sheegay in ay arrintan khatar caafimaad iyo mid saxaba ku leedahay meel ka dhacna ay ku tahay xaafada sidaasi darteedna aanay ka hadhi doonin ilaa ay sharciga la tiigsadaan hay’adaha ku shaqada leh ee ay ka midka tahay dowlada hoosana ay ku wargalin doonaan .

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post