X
    Categories: Warar

Hargeysa: Cambaarayn Loo Jeediyey Wasiirro Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ka Dareeray Xaflad Lagu Dhagax-dhigay Garoon Kubadda

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Garoon cusub oo lagu ciyaari doono kubbadda cagta oo lagu magacaabo Shullaac Stadium, ayaa si rasmi ah looga dhagax-dhigay dhinaca waqooyi ee magaalada Hargeysa shalay.
Xaflad loo qabtay dhagax-dhigista garoonkaas loogu talogalay kubbadda cagta, waxa ka qaybgalay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, dhallinyaro, ciyaartoy hore oo caasimadda Hargeysa ka ciyaari jirey, marti-sharaf kale iyo dadweyne badan, iyadoo ilaa lix xubnood oo isugu jiray wasiirro, wasiir-ku-xigeenno iyo Wasiirul-dawlayaal lagu martiqaaday ay xafladda oo aan bilaabmin mar qudha ka dareereen goobta, kadib markii ay ogaadeen in dhulka laga dhisayo garoonku yahay mid aan ku jirin gacanta xukuumadda oo dhallinyaro gaar ah maamulayaan.
Mr. Maxamuud Shullaac Cilmi oo ka mid ah qoyska reer Shulaac oo ku deeqay dhulka laga dhisayo garoonka oo halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey inay si rasmi ah ugu hibeeyeen dhulkaas da’yarta soo kacaysa ee reer Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland, waxayna ugu baaqeen xukuumadda iyo ganacsatada inay ka qaybqaatan dhismaha garoonka.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Eng. Nimcaan Cabdi Cali oo ka mid ah dhallinyarada gacanta ku haysa dhulka laga dhisayo garoonka, isla markaana isku hawlay sidii dhismihiisa loo hirgelin lahaa, kaasoo u mahadnaqay cidkasta oo dhulkaas gacan ka geysatay.
“Si aad ah ayey u mahadsanyihiin dadka dhulkan ku deeqay, sida runta ahna muddo dheer buu soo jiitamayey oo aannu ka soo wada shaqaynaynay dawladda Hoose iyo Wasaaradda Maaliyadda, waanna halkii tahriibta lagu yarayn lahaa ee dhallinyaradu ku ciyaari lahayd,” ayuu yidhi Nimcaan Cabdi Cali.
Waxaannu in intaas ku daray; “Waxa nasiib-darro ah in wasiirro uu ka mid yahay Wasiirka Ciyaaruhu uu halkaas nagaga dhaqaaqo isagoo aan garoonkii noo dhagax dhigin, waxana aannu ayaan-darro u aragnaa in dad badan oo dawladda ka tirsan aanay diyaar u ahayn horumarka oo aanay waqtigoodii u hurayn, dhallinyarada halkan joogtaana in wax loo qabto ayey u baahan yihiin.”

Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ka dareeray goobta laga dhagax-dhigay garoonka
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Xasan Cawaale Caynaan, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, isla markaana si weyn ugu mahadnaqayo dhallinyarada gacanta ku haysa dhismaha garoonka kubbadda cagta ee Shullaac.
“Waxa aan hambalyeynayaa dhallinyarada garoonka gacanta ku haysa, waxaanan aaminsanahay inay wax badan qabteen, waana in gacmaha la isu qabsadaa sidii garoonkan loo dhammaystiri lahaa. Waxan si adag u dhaleecaynayaa wasiirro halkan joogay oo diiday inay dhagax-dhigaan, wasiirradaasna waxan leeyahay waad ceebaysan tihiin, dhallinyarada idin soo sharaftay ee idin soo casuuntayna waad niyad jabiseen,” ayuu yidhi Md. Xasan Cawaale Caynaan.
Waxaannu intaas ku raaciyey; “Wasiirrada halkan ka yaacay waxan leeyahay uma qalantaan inaad wasiirro ahaataan, Madaxweynahana waxan leeyahay dhallinyarada la dhiirrigelinayey ee garoonka loo dhisayey ayey niyadda kaga ciyaareen wasiirradaasi.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post