#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hargeysa, ayaa lagu soo bandhigay Buug ka duwan Buugag baddan oo lagu soo bandhigay Somaliland, kaas oo xabaarsan macluumaad ballaadhan iyo aqoon lagu qeexayo muhiimada wadaniyada iyo doorka qofka Muwaadinka ah.

Munaasibadda oo xalay lagu soo bandhigay Hargeysa, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay Buuggii ugu qiimaha badnaa ee lasoo bandhigo inta la xusuusto dhowaanahan, marka loo eego boqolaal Buug oo lasoo bandhigay.

xafladda bandhiga waxa ka qaybgalay masuuliyiinta xukuumadda, gollayaasha Guurtida iyo Wakiiladda iyo weliba haldoor kale oo bulshada Somaliland ah, waxaana furitaankii weedho xanbaarsan dhiirigelin iyo boggaadin lagu maamuusay qoraaga Buugga Waddaniyada Cabdi Cabdullaahi ismaaciill oo ka mid ah Aqoonyahanka qurba-jooga Somaliland oo muddo dheer ku noollaa, base sannadihii u danbeeyay kusoo laabtay dalkiisa Somaliland.

Qoraaga Buugga Cabdi Cabdullaahi oo sharaxaad kooban ka bixiyay Buugga iyo mawduuca uu xushay ee Waddaniyada, ayaa sheegay in waddaniyada iyo dal-jacaylka oo ah dareen qofku dareemayo inuu leeyahay isagu, taas oo keenaysa lexejeclo, sidaa awgeed wuxuu sheegay in qofku dareenkiisa waddaniyadeed siyaabo kala duwan u muujin karo, balse muhiimadu ay tahay in qofku dareemo lahaansho uu isagu leeyahay dalka.

Mawduucan ayaa ah mid Manhajka Waxbarashada Somaliland ka maqan, iyadoo aannu ku jirin barashada  Cilmiga (Civic education) , iyadoo Cilmigaasi yahay habka lagu wacyigaliyo muwaadiniinta, iyadoo la barayo xuquuqdooda, mas’uuliyadahooda, iyo waajibaadkooda si loo xoojiyo laguna dhiirigeliyo inay aqoonsadaan dhinacyada siyaasadda iyo hababka maamulka ee ay si wax ku ool ah uga qayb qaadan karaan; taas oo dalalka ku barbaariya ubadkooda ay ka caawiso innay muwaadiniintu awood u yeeshaan innay wax samayn karaan si ay u saameeyaan natiijooyinka siyaasadeed oo ay kor ugu qaadaan tayada iyo horrumarka dhinacyada dhaqaalllaha, Siyaasadda, wacyiga iyo garaadka Bulshada.

Guddoomiye ku xigeenka gollaha Wakiiladda Somaliland, Siciid Mire Giire oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadda lagu soo bandhigay Buugga ayaa tilmaamay baahida loo qabay mawduuwa iyo nuxurka Buuggan xanbaarsan yahay, isagoo tilmaamay in cilmiga (Civic education) oo ka maqan manhajka Somaliland ee waxbarashada si weyn loo tebeyo, Guddoomiye Giire, wuxuu sheegay in xilligii hore ee ay Somaliland iyo Somalia isku ahaayeen dalka keliya la bari jiray dadka waddaniyada, isla markaana wuxuu tusaale usoo qaatay hees ka mid ahayd heesihii xilligaa lagu barbaarin jiray Ardayda oo uu qaadi jiray (AHN) Cabdi Bashiir indha-buur ee Arligaygow.

Masuuliyiinta kale ee munaasibadda ka hadlay waxa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, wuxuuna amaanay muwaadinka aqoonyahanka ah ee Buugga qoray iyo ahmiyada uu Buuggu leeyahay.

“Buuggan wuxuu ka duwanyahay Boqolaal Buug oo laga qoray Somaliland, sababtoo ah wuxuu ka hadlayaa waddaniyada iyo dawladnimada, waana mawduuca uu kaga duwanyahay Buuggaagta baddan, qoraaga Cabdi Cabdullaahi Ismaaciil (Xasan Mataan) waan ku hanbalyaynayaa” ayuu yidhi, Wasiir Maxamed Kaahin.

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaamiya Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay qoraaga Buugga iyo mawduuca uu doortay , isagoo sheegay in Buugga intii uu madasha fadhiyay isha mariyay, isla markaana ku arkay mawduucyo xiiso baddan oo ay dad tira yar oo qoraaga Buuggu ka mid yahay ay hayaa, kuwaas oo sida uu sheegay Siyaasiga Maxamuud Xaashi uu arkay Buugga sida doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo sidii loo kala helay.

Aqoonyahan Eid Cali Salaan oo ka mid ah Qurba-jooga Somaliland ee UK, ayaa dhankiisa si bllaadhan ugu amaanay qoraaga Buugga, isagoo tilmaamay ahmiyada uu qaranka u leeyahay iyo mawaadiicda ku jira Buugga, “Shaqsiyadda Cabdi Cabdullaahi oo ah Qoraaga ayuu Buuggu tilmaamayaa, sababtoo ah wuxuu kaga hadlay  Waddaniyada, Dhaqaalaha, Siyaasadda, musuq-maasuqa, mana jiro wax uu dhaafa, waana waajib qof walba saaran in la akhristo.” ayuu yidhi, Aqoonyahan Eid Cali Salaan oo ka mid ah haldoorka Somaliland.

 

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilm, ayaa dhankiisa amaan u jeediyay qoraaga, isagoo ka sheekeeyay aqoonta dheer ee uu qoraaga u leeyahay iyo baahida loo qabay Buugga uu soo bandhigay. sidoo kale, Guddoomiyaha Xarrunta Dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse ayaa dhankiisa sheegay in Buugga lasoo bandhigay yahay mid qiime weyn qaranka u leh oo loo baahnaa.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com