X
    Categories: Warar

Hanti-dhawrka Oo Xabsiga Dhigay Xoghayaha Degmada Fara-weyne Oo Maamulkiisa Dadweynuhu Ka Cawdeen

Fara-weyne (ANN)-Saraakiil ka socotay Hay’adda Hantidhawrka Qaranka Somaliland, ayaa xabsiga dhigay xoghayaha degmadaa Ismaciil Muxumad jaamac . kadib markii ay baadhis ku bilaabeen xafiiskiisa, iyagoo  gacanta ku dhigay document  badan oo la xidhiidha musuqmasuq iyo wax is dabo marin, ay sameeyeen gudoomiyaha iyo xoghayaha demadaa.

Sida ay warbaahinta u sheegeen Xogo mihihiima ah oo laga helay dadka, waxayna wararku sheegeen in Xoghayaha saacado kadib lasoo daayay.

Baadhista Hantidhawrka, ayaa timi markii ay soo baxeen cabashooyin ka yimi dadka deegaanka , iyadoo Dadka Beeralayda ee  degmada Fara-wayne cabasho xoogan ka muujiyey lacag badan oo lagu kordhiyey  canshuuro  aanay qaadi Karin dadka oo wakhtigan xaalado iyo duruufo nololeed.

Qaar ka mid ah dadka  Beeralayda oo diiday in la xuso magacyadooda, ayaa warbaahinta u sheegay in  markii hore Beeraha laga qaadi jiray 50,000 lacagta Sl/shilling, balse bilihii u danbeeyay lugu kordhiyey laban-laab, taas  oo ka dhigaysa in lacagta hada la kordhiyey ay tahay 50,000 S/l Sh. sidaa awgeed hada lacagta laga qaado Beeraha  ay tahay, 10, 0000 S/L  sh. Waxayna sheegeen inay culays ku tahay  bulshada.

Dadka arrintan ka ahdlay, ayaa sheegay  in gudoomiyaha Maxamad Abiib Cismaan , (siikaawi). iyo xoghayaha  Degmada Fara-wayne, Ismaciil Muxumad Jaamac  lacagtaa lagu kordhiyay horre ugu sheegeen inay wax kaga qabanayaan adeegyada aasaasiga ah ee Degmada oo kusoo celinayaan  degmada, balse aan waxba lagu soo celin.

Degmada  Fara-Wayne oo ku taal duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa, waxa  ilaha dakhligu kasoo galo ka mid ah Kastamka wax lagu canshuuro,  iyo kabka dawlahadda hoose iyo canshuuro kale.

Degmada  Fara-weyne oo xuduud la leh dalka itoobiya ee aynu jaarka nahay, waxay hore uga xidhnayd dhinaca xadka inay maraan badeecado, balse xilligan u furan xadka ay la wadaagto dhanka dalka Itoobiya, waxaana warar xog ogaali ah sheegayaan in dhaqaale badan kasoo galo, taas oo haba yaraate aan ku dhicin khasnada dawlada hoose degmada,  sida ay sheegayaan xogahaa.

Maamulka Degmada oo aanay suurta gelin inay jawaab ka bixiyaan waxyaabaha lagu eedaynayo, waxay Dadweynaha degmada ku nooli u dhagtaagayaan ama ay ka dhursugaayan natiijada kasoo bixi doonta hay’adda Hanti-dhawrka qaranka oo hada documentigi gacanta ku haysa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post