Sidee Gollaha Wakiiladu U Maareeyay Mooshinka La Soo Hor Dhigay Mooshinka Xaasaasiga Ah

 

 

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)- Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa saaka u fadhiistay fadhi aan caadi ahayn oo loo balansanaa, kaas oo ujeedadiisu ahayd in ay go’aan sharci ka gaadhaan soo jeedinta xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo ahayd in golluhu diido ama aqbalo Maamuus ka xayuubinta dalabka xeer Ilaalinta ee Xildhibaan Maxamed Abiib.

Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo guddoominayay fadhiga ayaa ku wargeliyay mudanayaasha in loo baahan yahay in golluhu go’aan ka gaadho soo jeedinta Xeer Ilaalinta. Balse marka hore Guddida Joogtada iyo Anshaxa ee Gollaha Wakiiladda oo loo gudbiyay qoraalka Xeer Ilaalinta golluhu ka dhegaysto warbixinta.

Waxaana qoraalka Guddida Joogtada iyo Anshaxa ee Gollaha ka akhriyay Madasha Guddoomiyaha Guddida Cabdikariim Aadan Cumar, oo akhriyay qoraalka eedaynta soo jeedinta Maamuus ka xyuubinta ee Xeer Ilaalinta Qaranka oo guddidu ku gunaanaday soo jeedintooda.

Sidoo kale, Guddoomiye Fartoon ayaa ku wargeliyay mudanayaasha in la dhegaysto La Taliyaha Sharciga ee Gollaha oo fadhiga ka jeediyay waxa sharcigu ka qabo soo jeedinta xeer ilaalinta.

 

Guddoomiyaha Gollaha Wakiiladda Yaasiin Maxamuud Xiir ayaa markaa kaddib sheegay inkasta oo fadhiga golluhu ku furmay tiradii loo baahnaa oo ah kala badh tirada guud ee mudanayaasha, balse Mooshinka Gollaha horyaal u baahanyahay sadex meelood oo laba meelood (2/3) inay joogaan mudanayaasha, taas oo noqonay 55 xildhibaan, wuxuuna ku wargeliyay Guddomiye Faratoon in la hubiyo tirada joogta, taas oo noqotay 49 xildhibaan, sidaa awgeed aannay sharci ahayn in Gollaha cod loo weydiiyo  Mooshinka ilaa la helo tirada waajibka ah, waxaana lagu wargeliyay in xildhibaanada Gollaha lagu wargeliyay in uu fasax yahay.

 

Muuqaalkan ka Daawo wixii ka dhacay

https://www.facebook.com/share/v/cMFvC75sbfb5hrLp/?mibextid=sPqcTx

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com