X

Halkee Biyo Dhigtay Ololihii Siyaasadeed Ee Kooxda Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Iyo Xildhibaan Cali Mareexaan Ku Doonnayeen In Wasiir Xisri Daaqada Lagaga Saaro?

Momamoud Hashi iyo Ali Marehan

Warbixin Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Hargeysa(ANN)Koox ay hormood u yihiin Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi iyo Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka tirsan golaha Wakiiladda, isla markaana ay weheliyaan xubno kale oo qaarkood xilal ka hayaan Xukuumadda oo kaashanaya gacan yarayaal ka agadhow Qoyska Madaxtooyada, ayaa muddooyinkii u danbeeyay si weyn looga dareemayay masraxa Siyaasada Somaliland iyo qasriga Madaxtooyadda Olole ay doonayeen in daaqada lagaga saaro Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xisri Cali Xaaji Xasan.
Sida ay sheegayaan ila wareedyo iyo xoggo la xidhiidha qorshaha siyaasadeed ee Kooxdaa oo shebekadda Araweelo News Network ka heshay dad meelo kala duwan, isla markaana kusoo ururisay warbixin dheer, ayaa iftiimisay in kooxda ay hormoodka u yihiin Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi iyo Xildhibaan Cali Mareexaan maalmihii u danbeeyay xoojiyeen Olole siyaasadeed oo ku waajahan Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo ay ku doonayeen inay ku qanciyaan Madaxweyne Siilaanyo sidii Wasiirka Madaxtooyadda Xisri Xaaji Cali looga saari lahaa meesha.

Warbixinta iyo xoggaha la xidhiidha Ololaha siyaasadeed ee kooxda wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi iyo Xildhibaan Cali Mareexaan oo doodihiisa laga maqal golaha Wakiiladda Somaliland, balse magaciisu dhegaha rayal caamka bulshada kusoo noqnoqday mudadii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo lagu asteeyo shaqsiyaadka ku mamay mashaariicda dhawrkii sanadood ee xukuumadda Siilaanyo tallada haysay, isla markaana si gaar ah farta loogu fiiqo in isaga iyo xubno kale oo ka tirsan Xildhibaanadu hawlihii ay qaranka u hayeen kaga mashuuleen qandaraasyada hoose ee lagu naas-nuujiyay marar baddan iyo sidoo kale dhega-dhegaynta iyo dhus-dhuska Madaxtooyadda.
Marar baddan ayay warbaahinta Somaliland labadii sanadood ee u danbeeyay qaarkood qoreen warar sheegaya in Xildhibaan Cali Mareexaan lagu beddelayo Wasiir Xisri, taas oo natiijadeedii noqotay waxba kama jiraan.
Hase yeeshee sida xoggaha lasoo ururiyay ee arrimaha xiligan ee Kooxdu isugu bahaysatay Wasiirka Madaxtooyadda sheegayaan waxa lala xidhiidhay mid qayb ka ah hanqal-taaga Xildhibaan Cali Mareexaan iyo loolan dhinaca siyaasada ah ka dhexeeyay wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan tan iyo bilawgii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo xilkii ugu horeeyay ee loo magaacbay.
Warbixin Carraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Lasoco………………..

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post