X
    Categories: Warar

Hal-doorkii Madaxdhaqameedka Sanaag Chief Caaqil Maxamed Jaamac Ismaaciil (Bidhaan) Oo Ku Geeriyooday Ceergaabo

Araweelo News Network


Ceergaabo(ANN)Alleh ha u naxariistee waxa magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag ku geeriyooday Marxuum Chief Caaqil Maxamed Jaamac Ismaaciil oo ku magacdheeraa (Bidhaan) oo ka mid ah haldoorka Madaxdhaqameedka gobolka Sanaag.
Marxuumka oo mudooyinkii u danbeeyay u jiifay xanuun, balse dhowaan caafimaadkiisu wanaagsanaa, ayaa xalay saqdii dhexe ku xijaabtay gurigiisa, waxaana maanta lagu aasayaa magaalada Ceergaabo.
Marxuum Chief Caaqil Maxamed Jaamac Ismaaciil oo ku magacdheeraa (Bidhaan), wuxuu ahaa Odayaasha iyo haldoorka loo daba fadhiisto dhaqanka, isla markaana wuxuu ahaa Aftahan Gabyaa iyo hal-abuur ku xeel dheer garta iyo garnaqsiga, wuxuu ahaa Xeer-beegti ku xeeldheer garta oo aan looga maarmin xaajooyinka murga, isla markaana wuxuu ahaa Oday si weyn looga qadariyo gobolka iyo deegaamo kaleba oo lagu ixtiraamo xeeldheerida dhaqanka.
Sidoo kale Marxuum Maxamed Jaamac Ismaaciil (Bidhaan), oo kasoo jeeda Qoys caan ka ah gobolka Sanaag, wuxuu Awoowgii Ismaaciil Xasan ahaa Nin si weyn looga yaqaanay deegaamada Bariga Somaliland xiligiisii, isla markaana halkudhegyadii iyo maahmaahii iyo sheekooyinkii uu ka tegey ay bulshada bulshada gobolka Sanaag iyo deegaamo kale oo geyiga Soomaalida kaleba laga isticmaalo.
Marxuum Maxamed Jaamac Ismaaciil (Bidhaan), waxaan Alleh uga baryaynaaa inuu naxariistii jana-fardawsa ka waraabiyo dhamaanteena Samir iyo Iimaan inaga siiyo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post